|

Shir lagu darsayo kordhinta dakhliga cashuuraha oo Hargeysa lagu qabtay

Hargeysa, 03, June 2012 (SDN)- Shir oo lagu lafo gurayay qaabka hir-gelinta Cashuurta Beeraha, habka loo kala saarayo Dawladda dhexe iyo Dawkladda Hoose ee dhinaca cashuur qaadista Beeraha iyo hir-gelinta cashuurta ku dhejinta tigidhada iyo kor u qaadista dakhliga Gobollada, ayaa maanta lagu qabtay Hoteel Maansoor ee magaaladda Hargeysa.

Shirkan oo ay qeybgaleen Wasiirrada Maaliyadda, Arrimaha Gudaha, Beeraha, Xisaabiyaha Guud iyo badhasaabadda Goboladda dalka waxa soo qaban-qaabisay Wasaaradda Maaliyadda.

Wasiirka Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaalle ayaa sheegay in ujeedada ay shirkan u qabteen ay salka ku hayso sidii kor loogu qaadi lahaa dakhliga dalka, isla markaana wasaaradaha Maaliyadda, Daakhiliga, Beeraha iyo Badhasaabadda goboladu ay iskaga kaashan lahaayeen kordhinta dakhliga gobolada.

Wasiirku wuxuu ugu baaqay badhasaabadda 13-ka gobo lee dalka inay si weyn iskaga xil saaraan kor u qaadista dakhliga cashuuraha ee goboladooda.

Wasiirka wasaaradda Beeraha Faarax Cilmi Maxamed (Geedoole) oo ka hadlay shirkan ayaa sheegay in cashuurtu tahay dhaqaalaha kaliya ee dawladnimadda Somaliland ku socoto, waxaanu tafaasiil ka bixiyay ahmiyadda ay ugu fadhido qaranka.

Wasiirka Daakhiliga Maxamed Nuur Caraalle (Duur) ayaa isna sheegay inay wasaaradda maaliyadda ka saacidayso kor u qaadista dakhliga cashuuraha oo ay badhasaabadda dalka fareen arrintaasi.

SDN, Hargeisa

 

Comments are closed