Maxkamadda Gobolka Hargeysa oo xukunno sannado ah ku riday Masuuliyiintii u xidhnaa musuqmaasuqa
Hargeysa, 03, June 2012 (SDN)- Maxkamadda Gobolka Hargeysa ayaa maanta xukunno sannado ah ku riday masuuliyiintii muddada u xidhnaa eedaymaha musuqmaasuq iyo xubno kale oo shacab ah oo lug ku lahaa arrimahaas, kuwaasoo kala ahaa Guddoomiyihii Gobolka Maroodi-jeex Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi (Xamarji), Agaasimihii guud ee dibu-dajinta Axmed Cilmi Yare iyo Lataliyihii Madaxweyne ku-xigeenka Cismaan Siciid.
Maxkamaddu waxay Guddoomiyihii Maroodi-jeex ku xukuntay saddex sanno oo xadhiga ah, Agaasimihii dibudajinta Axmed Cilmi Barena Saddex sano, Lataliyihii Madaxweyne ku-xigeenkana Hal Sano oo xadhig ah iyo Hal Milyan oo Ganaax ah, Ganacsade Cabdi Shakuur Cabdi Nuur-na Afar sano oo xadhig ah, halka Guddoomiyaha Ururkii Raashinka ka masuulka ahaana lagaga xukumay Sideed sanno.
Qareenada u doodaya masuuliyiintan la xukumay ayaa ka biyo diidsan Xukunka Maxkamaddu ku dhawaaqday.
SDN, Hargeisa