|

XOGTA XAABSADE + SAFARKA DJABOUTI IYO SALUUGA MADAXWEYNAHA EE SHIRKA ISTANBUL

 

 Anigoo ah muwadiin Somalilander ah magacayguna  yahay ,Cabdilahi Cisman Cabdi ( Cabdilahi Gadhle) aminsana in halgankii loo soo galay wadankan iyo curaddadii u dhintayba sabadtii keentay in waxaas oodhan loo hura wali hawshii halgan socoto ,qofkastoo Somalilander ahna xilka saran yahay wixii wajiib qarana in uu halkiisa ku guto,anigoo arita ka shidal qaadanaya waxay ila tahay.

Dooda ku sabsan shirka Istanbul ee ku aadan arimaha somalilya ,waxaad mooda inaan shirkani aanu la mid ahayn kii ka dhacay London, ee aan odhan karo shirkan siday u wajahday xukumadu waxaa ka muqda waxooga jahawareer  siyaasadeed ,

  1. Labada safar ee jabuuti iyo Istanbul, hadii shirka ka dhacaaya Istanbul uu lug ku leeyahay shirkii ka qabsoomay London ,horta waa iga su,aale labada safar keeba muhiim noqonaya ,(d/j &istabul),

Hadan ka jawaabo waxaa mihiim ah ka qadiyadeeni koobad lagu soo qaado, ee laakiin muhiim ma ah shirka jabouti, wax la filaayey oo waynina ma jirin,waxaay ila muqata marka aan soo qaato ,jaawabti shafiga ahayd ee wasiir xabsade ee ahayd in baasaboorkii Somaliland lagu yidhi ma fiisaynayno, loona geeyo madaxwynaha oo iska jeedinaya su,aalaha qaar in uu ku soo dhex tuuray in madaxweyne ku xigeen si amara ugu baxo dalka jabuuti ,si uu u helo qodob sharciya oo odhanaya hadii safar shaqo madaxweynuhu ama madaxweyne ku xigeenku u baxo labada mid ahaan ayaa shaqada sii haynaya taasina waxaay u muqata in uu khamaray isagoo kula socda wasiirada in lagu dhoofo basaabooro ajahanib ah iyo waliba khalkhal siyaasad qaran oo soo kordhay ,

 

  1. Wasiirada Istanbul tagayna waxaan u aqoonsanay danbiilayaal qaran hadii ay cadaato in turkigu diidey in uu fiyseeyo basaaboorkeena, waayo aniga oo xiganaya shirkii London waxay ahayd in aynu u wada hadalno Somaliland iyo Somalia iyadoo layno ixtiraamayo sida dalalka kale ee adunka ila inta dhan loo kala dhacaayo.

 

  1. Waxa kalo sharci daro noqonaysa hadii ay jirto in wasiirada ka socda  xukumadu anay la socon  xubno ka tirsan labada gole ee dastuuriga ah barlamaanka iyo guurtida iyo waliba xubno ka socda (civil society) ururada bulshada

 

Ugudanbayn markaan intaaso dhan aan ugeeyo shirkii London (madaxweynuhu wuu hadlay iyo muu Handlin), waxaan amin sanahay waxaa jira waxaan laynoo sheegin.

Qalinkii iyo maskaxdii ;  Cabdilaahi Cismaan Cabdi ( Cabdilaahi Gadhle )

Comments are closed