Maxkamadda Gobolka Hargeysa oo la filayo bari inay ku dhawaaqdo go’aanka Masuuliyiinta xidhan
Hargeysa, 02, June 2012 (SDN)- Maxkamadda Gobolka Hargeysa ayaa la filayaa inay maalinta beri ah ku dhawaaqdo go’aanka dacwada masuuliyiinta u xidhan musuqmaasuqa.
Ku dhawaaqista Dacwadan ayaa la filayaa in uu ku dhawaaqo Garsooraha Dacwadaas gacanta ku haya oo ah Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Hargeysa Cabdirashiid Duraan, taasoo dhawaan la soo af-jaray iyadoo muddo gaadhaysa Saddex bilood socotay.
Waxaana la rajaynayaa in ku dhawaaqista go’aankani uu soo afjaro murano iyo hadallo badan oo muddo ay isla dhexmarayeen bulsho waynta reer Somaliland, kuwaasoo dhinacyo kala duwan iska taagaya eedaymaha iyo dacwada loo haystay masuuliyiintaas.
SDN, Hargeisa
Maxkamadda Gobolka Hargeysa oo la filayo bari inay ku dhawaaqdo go’aanka Masuuliyiinta u xidhan