Maxkamadda Sare oo Gunaanaday Dacwadii u dhexeysay Xisbiga UDUB
Hargeysa, 29, May 2012 (SDN)- Maxkam adda Sare ee Somaliland ayaa manta soo gunaanaday dacwad u dhaxeysay masuuliyiinta sare ee Xisbiga mucaaradka ah ee UDUB, taasoo muddooyinkii u dambeeyay ka socotay Maxkamadda.
Dacwadan oo si gaar ah uga dhaxeysay Guddoomiyaha Xisbiga UDUB, ahna Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin iyo Ku-xigeenkiisa Axmed Yaasiin, ayay Maxkmaddu dhegaysigii u dambeeyay manta ku soo afjartay, iyadoo Maxkamaddu sheegtay inĀ dacwadaha uu Axmed Yuusuf Yaasiin u gudbiyay Maxkamaddu ay yihiin kuwa is-khilaafsan, kuwaasoo uu Guddoomiyaha Maxkamadda sare Yuusuf Ismaaciil Cali uu tilmaamay inay labada dacwadood u kala dhignaa mid Axmed Yuusuf Yaasiin ku sheegay inuu aqoonsan yahay Guddoomiyenimada Daahir Rayaale iyo mid aanu ku aqoonsanayn, kuwaasoo uu xusay Guddoomiyuhu inay is-burinayaan, waxaanu laalay dacwadahaas, isagoo sheegay in Guddoomiyaha rasmiga ah ee Xisbigu uu yahay Daahir Rayaale.
Ugu dambayntii Guddoomiyaha Maxkamadda waxa uu dacwadii ku soo gunaanaday in Xisbigu uu qabsado shirweynihiisii.
SDN, Hargeisa