SONYO Iyo Hay’adda DRC Oo Qalab Ciyaareed Ku Wareejiyay Xidhiidhka Kubadda Cagta Somaliland Type: Attachments
Hargeysa May 29,2012(SDN)-Dalladda ururada dhallinyarada Somaliland ee SONYO ayaa deeq qalab
ciyaareed ah ku wareejisay xidhiidhka kubadda cagta, xaflad lagu
qabtay xafiiska wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha ee
Somaliland Md. Cali Siciid Raygal.
Deeqdan qalabka ciyaareed ah oo ka timid mashruuc ay iska kaashanayaan
dalladda ururada dhalinyarada Somaliland ee SONYO iyo hay’adda
caalamiga ah ee DRC, mashruucan oo ah is dhex galka dhallinyarada
laguna tababaro dhallinyarada ciyaarta kubadda cagta, ciyaaraha
hiddaha iyo dhaqanka iyo waliba barnaamijka xallinta khilaafaadka.
Xafladda wareejinta deeqda qalabka ciyaareed waxa ka soo qayb galay
guddoomiyaha dalladda SONYO Md. Axmed Cabdi Wacays, agaasimaha SONYO
Md. Siciid Maxamed Axmed, madaxa mashruucan TtT Md. Ismaaciil Cumar
Ibraahim, guddoomiyaha xidhiidhka kubadda cagta Somaliland, agaasimaha
wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Mustafe Maxamed Qodax iyo
wasiirka wasaaradda dhallinyarada ciyaaraha iyo dhaqanka Cali Siciid
Raygal.
Ugu horrayn xafladda wareejinta deeqdan ciyaareed waxa hadal
faahfaahsan ka soo jeediyay madaxa mashruuca dhallinyarada ciyaaraha
iyo dhaqanka Md. Ismaaciil Cumar Ibraahim oo ka sheekeeyey sidii uu
mashruucani ku bilaabmay iyo sida uu uga hir gelay labada gobol ee
Maroodi jeex iyo Saraar oo uu si habsami leh uga socdo. Md. Ismaaciil
waxa uu sheegay in mashruucani ka kooban yahay saddex qaybood oo kala
ah tababarka ciyaarta kubadda cagta, ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka iyo
qaybta saddexaad oo ah tababar la xidhiidha xallinta khilaafaadka.
“Wajigii labaad ee mashruucan ayaa noo bilaabmay sidaa darteed waxaanu
maanta u fadhinaa in aanu qalabkii ciyaareed ee ay ku ciyaari
lahaayeen shanta kooxood ee kala matali doona shanta degmo ee ay ka
kooban tahay caasimadda Hargeysa idinku wareejino” ayuu yidhi Md.
Ismaaciil. Madaxa mashrucan ee dalladda SONYO Md. Ismaaciil waxa uu
faahfaahiyay is badalka uu mashruucani ku keenay dhallinyarada iyo si
dhex galkooda. Intaa kadib waxa hadalka qaatay guddoomiyaha dalladda
SONYO Md. Axmed Cabdi Wacays oo ku dheeraaday ujeedada SONYO u taagan
tahay iyo xidhiidhka wada shaqayneed ee ka dhaxeeya wasaaradda
dhallinyarada ciyaaraha iyo dhaqanka.
Guddoomiyaha SONYO waxa uu faahfaahin ka bixiyay sida mashruucani u
noqday mid dhaxal gal ah isaga oo u mahad naqay dhammaanba
hawlwadeenada SONYO gaar ahaan xubnaha mashruucan ka hawl gala waxaanu
wasaaradda ku booriyay in ay sii laban laabaan nidaamka wada
shaqayneed ee u dhaxeeya SONYO. “SONYO iyo wasaaraddu waa laba gacmood
oo mataano ah, isku hadaf ah oo u wada taagan horumarita
dhallinyarada. Xidhiidhka wada shaqayneed ee SONYO iyo wasaaraddu waa
mid loo baahan yahay si aynu u xaqiijino himiladeena isku midka ah oo
ah in aynu soo saarno dhallinyaro diyaarsan oo akhlaaq, aqoon iyo
wadaninimo leh si ay dalkooda ugu adeegaan. Waxqabad kasta oo SONYO
samaysaa waxa uu wanaag iyo sharaf u yahay wasaaradda.
Dhinaca kale waxa hadalka qaatay wasiirka wasaaradda dhallinyarada
ciyaaraha iyo dhaqanka Md. Cali Siciid Raygal oo aad ugu dheeraaday
mahad naq uu u soo jeediyay dalladda SONYO isaga oo ballan qaaday in
uu sii laban laabi doono wada shaqaynta u dhaxeysa SONYO iyo
wasaaradda. Wasiirku waxa uu wax lagu farxo ku tilmaamay mashruucam
SONYO iyo DRC wadaan isaga oo sheegay in uu wax badan ka qaban doono
is dhex galka dhallinyarada, la dagaalanka tahriibta, mukhaadaraadka,
qabyaaladda iyo dib-jirnimada. Ugu dambayn guddoomiyaha xidhiidhka
kubadda cagta Somaliland Md. Axmed Maxamuud Muxumed (Dhegey) ayaa
guddoomay qalabkii ciyaareed ee lagu wareejiyay waxaanu sheegay in
qalabkan la siin doono shan kooxood oo ka kala socda shanta degmo ee
caasimadda Hargeysa ka kooban tahay. Deeqdan qalabka ciyaareed ah ayaa
ka koobanayd dhammaan sadka shanta kooxood ku ciyaarayaan sida kabaha,
dirayska, dirayska garsoorayaasha, kabo iyo shabaagta garoomada lagu
xidho.
Dhinaca kale tartankii kooxahan shanta ah ee dirayska la siiyay ayaa
tartankoodii waxa uu ka bilaabmay garoonka 31ka May ee xaafadda
Jigjiga Yar, iyada oo lagu furay kooxaha degmooyinka Gacan Libaax iyo
Axmed Dhagax. Furitaankii tartanka waxa ka soo qayb galay madaxa
mashruuca dhallinyarada ee TtT ee SONYO Mudane Ismaaciil Cumar
Ibraahim iyo guddoomiyaha xidhiidhka kubadda cagta Md. Axmed Maxamuud Muxumed (Dhego).
SDN-Hargeysa