Xiddiga Reer Kiiniya oo Ku Guuleystey Ottawa Marathon.
Ottawa-May-28-2012-qurbejoog.com-Akhyaartay qormadeena ciyaaraha waxaynu ku jibaaxeynaa Ottawa Marathon oo lagu kala baxay waxaana ku guuleystey xiddiga reer Kiiniya Laban Moiben.
Saaxiibayaal shaki kuma jiro Oradada dhexe iyo kuwa dhaadheer iney Afrika ku caantahay siiba bariga Afrika (EAST AFRIKA) haddaba qaaradaha aduunka ayaa sannad walba lagu qabtaa taas oo loogu magacdaro magaalooyinka lagu qabto.
Shalay ayaa haddaba Marathon-kii 38 oo loogu magacdarey Ottawa Marathon lagu qabtey magaalo madaxdan Canada ee Ottawa,waxaana ka soo qeybgaley qof kasta oo wax isku hayey ee ku nool aduunkan ilaahay abuurtey iskugu jirana xiddigaha aduunka,Rag,Dumar.Gabdho, iyo qof walaba oo wax isku haya orodkaas oo kala lebel ah.
Akhyaartay khalqigii halkaa iskugu yimid ayaa galabnimadii hal mar kaliya la siidaayey siidhigana loo afuufey,tabari qofkasta meel ay dhigtaba dadkii u yimid dhereg dhacsiga waxay iskugu biyo shubteen qaar isdhiibey kuwa baabuur loogu talagaley lagu qaadey waxaana soo hadhey intii nadiifta ahayd ee xiddigaha aduunka.
Haddaba orodada dhaadheer iyo kuwa dhexeba oo ay caan ku yihiin Kiiniya iyo Itoobiya ayaa xagga wiilasha waxaa isku soo hadhey labada orodyahan ee reer Kiiniya Laban Moiben iyo Julius Karinga oo bilowgii iyo dhamaadkii isku hayey garabka, waxaana ku guuleystey Ottawa Marathon Laban Moiben kuna ordey 2.09-12 halka uu ku ordey Julius Karinga 2-09-13 waxaana u dhaxyey 8-ilbiriqsi oo kaliya.
Xagga Gabdhahana waxaa ku guuleystey Xiddigadda reer itoobiya Yeshi Esayias 2-28-45,guud ahaana ordyahana ka soo qayb galey waxay cagacageynayeen 5,000 kakala yimina aduunkan ilaahay abuurtey dacaladiisa.
W/D-Jaahuur
qurbejoog.com