Xuska 21-guurada 20-ka Ginboot oo si wayn looga Xusay DDS
Jigjiga, 28, May 2012 (SDN)- Xuska Maalinta 20 Ginboot oo guud ahaan Dawladda Itoobiya ugu astaysan maalintii ay iska dul qaadeen keligii taliye Mingiste oo ku beegnayd manta ayaa si wayn looga xusay dalkaas.
Dhamaanba Shucuubta Qowmiyadaha Itoobiya, gaar ahaan Shacabka Soomaalida Itoobiya ayaa iyagu Maalintan 20-ka ginboot, si wayn u xusay, waxaana kala qaybgalay Madaxweynaha dawlad deegaankaas Cabdi Maxamuud Cumar.
Madaxweynaha DDS Cabdi Maxamuud Cumar oo ka hadlayay munaasibada manta ayaa si xeel dheer u lafa guray heerka ay taagan yihiin Isbedelada Horumarineed, Kobaca dhaqaale iyo Nabadgalyada DDSI, taasoo uu ku ammaanay ciidamadiisa gaarka ah ee liyuupolice,islamarkaana sharxay halbeega Adeegyada Horumarineed ee Aasaasiga u ah Nolosha Aadmiga halka la gaadhsiiyay,Sida Waxbarashada oo ay wakhti xaadirkan ka jiraan DDSI 66 Dugsi sare ah,6College iyo 1 Jaamacada Jigjiga,sidoo kalana dhanka Caafimaadka ay jiraan 9 Isbitaal,146(Health Center).
Sidoo kale xuska manta ee 20-ka ginboot ayaa waxa xusay dhamaan qoomiyadaha ay ka kooban tahay dawladda Itoobiya.
SDN, Jigjiga