|

Wasiirka Ciyaaraha oo Lix kooxood oo Kubadda Kolayga ah u furay tartan

Hargeysa, 28, May 2012 (SDN)- Wasiirka Dhalinyaradda, Ciyaaraha iyo Dhaqanka Somaliland Cali Siciid Raygal, ayaa maanta ka furay garoonka kubadda kollayga ee Tima-cadde ee magaaladda Hargeysa tartanka kooxaha heerka 2aad ee kubadda Kollayga caasimadda Hargeysa.

Tartankan oo ay ka qeyb galayaan lix kooxood oo heerka labaad ah isla markaana ka dhisan caasimadda Hargeysa waxa uu socon doonaa muddo 14 maalmood ah. Waxa ka qeyb galaya kooxaha Ciidanka Asluubta, Jaamacadda ALPHA, SOHASCO, CANDLELIGHT, JIG-JIGA YAR Iyo ABAARSO TECH.waxaana maal-gelisay Ha’yadda Mercy Crops.

Wasiirka Wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha Cali Siciid Raygal oo ka hadlay xafladii furitaanka ayaa sheegay in tartankan uu ahmiyad weyn u leeyahay kooxaha heerka labaad ee caasimadda Hargeysa, waxaanu u mahad celiyay Ha’yada Mercy Crops ee maal-gelisay iyo xidhiidhka kubaddaha gacmaha ee soo agaasimay qabashada tartankan.

SDN, Hargeysa

Comments are closed