Wasiirka Khaarajiga Somaliland oo dalka ku soo laabtay, kana hadlay qodobo dhawr ah
Berbera 28, May 2012 (Qurbejoog.com)- Wasiirka Khaarajiga Somaliland Mr. Maxamed Cabdullaahi Cumar, ayaa maanta dalka ku soo laabtay ka dib markii uu safar ku tegay dalal dhawr ah.
Wasiirka oo ka soo degay madaarka Berbera, waxa uu warbaahinta u sheegay inuu socdaal ku soo maray dalalka Itoobiya, Jabuuti, UK iyo dalka Maraykanka oo uu kaga qaybgalay xuskii 18 May ee sannad-guurada 21aad ee Somaliland.
Maxamed Cabdullaahi Cumar, waxa uu sheegay in urur-gobolleedka IGAD uu Somaliland u ogolaaday inay xubin-sharafeed ka noqoto ururkaas, wuxuuna ku dooday in dawladda Jabuuti ay gacan ka geysatay arrintaas, ka dib markii uu dhowaan warqad uu Madaxweyne Siilaanyo u dhiibay uu gaadhsiiyay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle. “Urur-goboleedka IGAD waxa uu Somaliland u ogolaaday sidii ay xubin sharafeed uga noqon lahayd ururka, waxaanan arrintaas uga mahadcelinayaa dawlada Jabuuti oo ka shaqeysay sidii IGAD Somaliland u siin lahayd xubin-sharafeed. Waxaan rejaynayaa inay dhawaan xubintaasi bilaabi doonto shaqadeedii,” ayuu yidhi.
Wasiirku waxa uu ka xog-waramay xuskii 18 May ee uu dhowaan kaga qaybgalay dalka Maraykanka.
Dhinaca kale, wasiirku waxa uu sheegay in Salaasada beri ay dalka ka dhoofi doonaan wefti wasiiro ah oo Madaxweynuhu shalay u magacaabay ka qaybgalka shirka Somalia ee Istanbul oo furmaya 31-ka bishan.
Wasiirka Khaarajigu waxa uu intaa ku daray, in Somaliland ka qaybgali doonto keliya wejiga koowaad ee shirkaas oo oo xusay in lagaga hadlayo arrimaha Dhaqaalaha iyo iskaashiga.
Qurbejoog.com, Berbera