|

Hiigsigii iyo himiladii fogayd: Dr. Cabdishakuur Sheekh Cali Jowhar (1952kii – 2012ka)

Hiigsigii iyo himiladii fogayd: Dr. Cabdishakuur Sheekh Cali Jowhar (1952kii – 2012ka) Qormadii: 4aad ilaa 6aad Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale

“Gurigaagu waa sharaf,      

Goonyahaagu waa nuur,

Gogoshaadu waa nabad,

Guushana dalkayska leh,

Dalka geesigiisiyo,

Galladdana adaa mudan.”

 

Maansadii Galaal ee Hadraawi,

 

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale    

cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com

Qormadii: 4aad

Waxa kale oo uu sannadkaa 1972kii ahaa sannadkii la sharciyeeyay qoraalka Afka Soomaaliga.

Saaxiibbadeen Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan iyo Dr.  Cabdishakuur iyaga oo ku jira shaqadii Qaranka ayay bilaabeen in ay bartaan Hanti-wadaagga iyaga oo abaabulay wareegyo (circles) dhallinyaro ah oo ay tababari jireen oo ay bari jireen Hanti-wadaagga. Xataa Cartan waxa uu ii sheegay in uu mararka qaarkood Dr, Cabdishakuur ku booqan jiray magaalada Boorame. Waayadaa, Dr. Cabdirashakuur Sheekh Cali Jowhar, waxay Boorame isku baranayaan Nimco Xuseen Giirre oo ay magaalada Qaahira isku guursadeen xilli la iigu sheegay 1976kii. Iskuma ay raagin, ubadna isumaay yeelan.

Dr. Cabdishakuur Sheekh Cali Jowhar wuxu ka mid noqday koox arday ahayd oo loo qaaday magaalo-madaxdii dalkii Midowga Soofiyeti ee Moosko. Aniga qudheydu kooxdaa ka mid ayaan ahaa oo waa halka aanu isku barannay Dr. Cabdishakuur Cali Sheekh Cali Jowhar. Waxa kale oo kooxdaa ka mid ahaa Xildhibaan Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan. Waxa isaguna naga mid ahaa halgamaagii weynaa ee shahiiday, naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’, ee la odhan jiray Maxamuud Xaaji Xasan oo loo yaqaannay Hurre.

Waa xilliyadaa xilliyada aan sida fiican u baranayaa Dr, Cabdishakuur Sheekh Cali Jowhar. Waa xilliyadaa xilliyada aanu wada gelaynaa liisaskii madoobaa ee nidaamkii Siyaad Barre. Waxaan u malaynayaa in aanu ahayn ilaa saddex fasal oo halkaa ku qaadan jiray duruus la xidhiidha culuunta Hanti-wadaagga. Keli ma aanu ahayn. Haddii aanay xusuustaydu I dagayn, waxa nala joogtay arday ka timid dalal badan oo dunida saddexaad ah. Waxa ka mid ahaa dalkii Yamantii Koonfureed, Angoola, Mosambiik iyo dal ku yaallay Koonfurta Ameerika oo la yidhaahdo Guyana oo Ingiriisku gumeysan jiray.

Dood ayaa ka dhici jirtay fasalladaa aanu wax ku baran jirnay. Ardayda waxa ku jiray niman Nabad-sugidda ka tirsanaa oo warbixino joogto ah diri jiray. Warbixin-xilliyeedka ka-sokow, markii aanu Soomaaliya ku noqonnayna warbixintii kama danbaysta ahayd ayay bixiyeen, taas oo keentay in in badan oo naga mid ahayd la eryaba.

Waa halkaa meelaha la naga raacay ee aanu ku collownay nidaamkii Siyaad Barre oo no aqoonsaday dad kacaan-diid ah ama aan eedba u galayn ‘Kacaanka.’

Iyada oo warbixinihii nalaga soo qoray ee qarsoodiga ahaa la adeegsanayo ayaa markiiba nalagu shubay meel la odhan jiray Dugsiga Tababarka ee Xalane oo nidaamkii Siyaad Barre u adeegsan jiray si uu dadka u kala shaandheeyo, isaga oo qaarna adeegsan jiray, qaarna shaqada ka eryi jiray.

Dr. Cabdishakuur Sheekh Cali Jowhar, Xildhibaan Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan, Maxamuud Xaaji Xasan (Hurre) iyo aniguba waxaanu ka mid ahayn dadkii aan la jeclaysan ee la fogeeyay. Dr. Cabdishakuur waxa lagu qoray Hanti-dhowrka, Xildhibaan Cartan waxa lagu qoray Madbacaddii Qaranka, Hurre isagana waxa lagu qoray Wersheddii Sonkorta ee Jowhar, anigana waxa la ii diray magaalada Laas-qoray aniga oo noqday Wakiilka Ururrada Shaqaalaha ee Wersheddii Kalluunka ee Laas-qoray.

Iyada oo meelahaa nalagu kala qoray, ayaa haddana isha lagu hayay hadba waxa aanu ku jirno ama qabanayno. Warbixintii qarsoodiga ahayd ayaa sideedii iskaga socotay, taasina waxay keentay in habeen habeennada ka mid ahaa oo 1975kii ahayd la baadhay guryihii Dr, Cabdishakuur Sheekh Cali Jowhar iyo Xildhibaan Cartan ee magaalada Muqdisho.

Dr. Cabdishakuur Sheekh Cali Jowhar xataa xagga hooyada waxa uu ka dhashay qoys diiniya oo hooyadii waxay ahayd Xabiiba Xaddi Taani.

Baadhistii habeennimo ka dib oo dhaqan u ahayd nidaamkii Siyaad Barre saaxiibbaday Dr, Cabdishakuur iyo Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan sas iyo baqdin laxaad leh ayaa ku beerantay. Waxay go’aansadeen in ay baxsadaan inta aan la qaban.

(La soco…………………..)

Qormadii: 5aad

Dr. Cabdishakuur iyo Cartan waxay codsadeen fasax gaaban. Hay’adihii ay ka shaqaynayeen ayay weydiisteen 14 maalmood oo fasax ah. Waa la siiyay labadoodiiba. Muqdisho ayay ka boqooleen waxaanay u ambo-baxeen magaalada Hargeysa. Maa daama uu waqtigu yaraa, markiiba qalqaalo ayay galeen. Waxa si aad ah u caawiyay MaxamedIs-xal oo Cabdishakuur seeddi u ahaa isla markaana ka tirsanaa Ciidammadii Xoogga Dalka ee Qaybtii 26aad. Maxamed Is-xal ayaa dad ku daray si ay uga tallaabiyaan xuduudda oo ay Itoobiya u galaan.

Markaa ay Cartan iyo Cabdishakuur ka baxayaan Muqdisho, waxay la deggenaayeen Ibraahin Xaaji Muuse Wacays oo Aamina Cilmi Gebilay ku guursaday markii uu ku jiray shaqada Qaranka. Waxay deggenaayeen guri ku yaallay Xaafaddii Boon-dheere ee Muqdisho, gaar ahaan marka aad kor uga kacdo Baar Koodaar oo ku ag yaallay Xaruntii Barlamaanka.

Cartan iyo Cabdishakuur markaa ay baxayeen kama ay qarin Wacays halka ay ku socdeen, bal se waxay ka codsadeen in aanu sheegin ilaa inta ay fogaanayaan.

Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan wuxu ii sheegay in laga tallaabiyay meel xuduudda ah iyaga oo u gudbay magaalada Jigjiga. Beryahaas waxa socday ‘Kacaankii’ millateriga ee Boqor Xayle Selaase xukunka lagaga tuuray oo bishii Maarj 1975kii Mengistu Xayle Mariyam taladii dalkaas kula wareegay. Waxa Mengistu ka horreeyay Ammaan Andom, Tafarre Benti iyo Atnafu Abbate oo intaba la dilay iyaga oo aan wax bandan aan talada dalkaasi hayn.

Nidaamkii Mengistu Xayle Mariyam wuxu bilaabay olole aan tudhaale iyo naxariis midnaba aan lahayn oo uu ku qaaday xoogaggii ka soo hor jeeday oo ay ugu mudnaayeen dhallinyaradii la magac-baxday ‘Ehaabba’ ama EPRP iyo Meysoon. Ololahaa xasuuqa ahaa oo maxkamad la’aan dadka lagu tooganayay, Mengistu wuxu ugu wan-qalay ‘Saskii casaa’ oo afka Ingiriisiga lagu odhan jiray ‘Red Terror’. Bilaa hadal, ayaa aragtida lagu toogan jiray dadka dhallinyarada ah ee ururradaa lagu tuhmo. Habqankoodu ayaa Soomaaliya berigaa soo galay iyaga oo raabe raabe u socday oo wiilal iyo gabdhaba lahaa.

Saaxiibbadeen Cartan iyo Cabdishakuur xaaladda caynkaas ah oo Itoobiya ka taagan, ayay iyaga oo Soomaaliya iyo nidaamkii Siyaad Barre ka cararaya Itoobiya u tallaabeen. Sida Cartan ii sheegay waxay ahayd markii ugu horreysay ee ay af Xabashi lagu hadlayo maqlaan, calanka Itoobiyana indhaha saaraan. Taagga inta saraawiishii la iska saaray ayaa la qaatay macawiso iyo koofiyadihii yar yaraa ee wadaaddada. Tabtii fiqi-duurrayaasha ayaa tusbax qoorta la gashaday, kitaab Jis Camma ahna inta gal lagu ritay degta la sudhay. Ma riwaayadda ay nimankaasi berigaa isku dayeen in ay jilaan iyo sidii ay uga xumaatay, markii loo dardaar-weriyay.

Jigjiga markii ay maalmo joogeen ayay dad ay Cabdishakuur qaraabo ahaayeen u caqli-celiyeen oo ku qanciyeen in ay iska noqdaan, haddii kale la layn doono.Xaalkoodiiba wuxu nolqday kud ka guur oo qanjo u guur. Beryihii Siyaad Barre dalka qabsaday ayaa nin ka baxasady oo Itoobiya u tallaabay. Cabbaar haddii uu halkaas joogay ayuu ololihii Hanti-wadaagguna ka bilaabmay Itoobiya. Candhuuftiisii inta uu liqay ayuu dib u soo shiraaqday. Markii la weydiiyay wixii ku dhacay ayuu yidhi: “Hanti-wadaaggii ayaa na hor-qabateeyay/”

Sidii ayay ku soo noqdeen oo ay ku yimaaddeen Hargeysa. Mar labaad ayay talo ku noqdeen. Cabdishakuur wuxu go;aansaday in uu Jabuuti galo, Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan oo reer Ceeri-gaabo ahina wuxu go’aansaday in uu Meydh ka dhoofo. Sidaas ayuu Cabdishakuur ku galayJabuuti, isaga oo uga gudbay magaalada Qaahira. Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan intii aanu fasaxii ka dhammaan ayuu ku noqday magaaladii Muqdisho oo warkoodii baxsigu meel walba mushaaxay.

Magaalada Qaahira intii uu joogay wuxu ka galay Jaamicadda ‘Caynu-shamis’ oo uu ka bartay culuunta caafimaadka, halkaas oo uu ka qaatay shahaadaddiisii hore (First degree).

(La soco………………………….)

Comments are closed