|

Muj. Maxamed Kaahin oo ka hadlay Guddagalkii SNM ee Burco oo ku beegan maanta

Hargeysa, 27, May 2012 (SDN)- Gudoomiye ku-xigeenka Xsibiga talada haya ee KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed ayaa ka hadlay 24-guuradda ka soo wareegtay hawl-galkii gudo galka xoogagii SNM ay ku soo galeen Magaalada Burco 27-kii bishii May 1988-kii oo ku beegan manta.

Waxa uu Gudoomiye ku xigeenka KULMIYE ku dheeraaday sababihii gun-dhiga u ahaa inay si miidaamo ah ku soo galaan Magaalada Burco,waxaanu xusay in arrinta ugu weyn ee keentay dagaalkaas guda-galku uu la xidhiidhay ka dib markii ay heshiis wada gaadheen Talisyadii Mingiste Xayle Maryam ee Itoobiya iyo Siyaad Bare kaas oo nuxurkiisu ahaa sida uu tilmaamay in labada dawladood kala joojiyaan jabhadaha ay isku soo hubaynayaan iyo in qoloba dhinaceeda xadka ka durugto masaafo 10-km ah.

Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed oo ka mid ahaa Saraakiishii Hogaaminayay Xoogagii SNM ee gudaha u galay Magaalada Burco waxa uu sharaxay in dagaalkaasi uu fure u ahaa guushii halgankaas oo sababtay in xoriyada aynu maanta ku naaloonayno ay dhalato,Waxa uu Gudoomiye ku xigeenka Xisbiga Kulmiye sheegay in taariikhda Somaliland ay baal dahab ah kaga jiraan Maalmihii Guda galka Magaalooyinka iyadoo magaalada Hargaysana ay ururkii SNM Soo galeen 31kii isla bisha May 1988-kii.

Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Xisbiga Kulmiye waxa uu shacbiga Somaliland ku baraarujiyay sidii loo adkayn lahaa Qaranimada iyo Jiritaanka Jamhuuriyada Somaliland oo ku timid inay u geeriyoodaan nafo badan oo qiimo ku lahaa bulshadeena isla markaana aynu ku weynay hanti aan Qiyaas lahayn .

SDN, Hargeisa

Comments are closed