Xukuumada Somaliland oo Beesha Bariga Sanaag Shirweyne ugu Baaqay
Hargeysa May 27,2012(SDN)-Xukuumada Somaliland ayaa baaq ay dhawaan u gudbisay beesha bariga Sanaag ayaa waxa uu daaranaa in beeshaasi ay shir weyne ay ayahooda uga tashaneyso isugu yimaadaan.
Xukuumada ayaa Wasiiradeeda ka soo jeeda degaankaa waxa ay u igmatay in ay arrinkan isku dubo rido.
Waxa magaalada Hargeysa arrinkan u jooga cuqaal iyaguna degaankaa ka soo jeeda oo ku dhawaaqay in ay shirkaa aqbalay.
Dadka degaanka ayaa arrinkan aamus ku soo dhaweeyay,ishana ka eegaya halka xaal sal dhigo.
Waxa iminka magaalada Xingalool ku sugan wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Md Axmed Cadami Cali oo halkaa ka wada qaban qaabada shirkaasi.
SDN-Hargeysa