|

MUNAAFAQ NA ROG EE HORTA MA LA IS WEYDIIYEY

Mawduucan uu ku saabsan yahay darsigaygu waxaan uga gol lee yahay in idanka Alle aan isku dayo in aan saxo qalad laga fahamsan yahay eregay cidda loola jeedo. Waxaan arkay munaafaq kaba toshay oo laga aaminsan yahay in uu yahay shiikh caalim ah lagana wada daba dhacay. Maxaa yeelay kuwa ka daba dhacay ayaa laftoodu waxay wada yihiin munaafaqiinta kuwooda ugu xun marka ninka shiikha ahi yahay munaafaqiinta kuwooda ugu sita, ee Alle sheegay in ay suurto gal tahay in uu u dembi dhaafo. Haddii aad aqridid dhawrka aayadood ee ay ka bilaabanto suuradda Al-Baqarah wuxuu Alle dadka ku kala qaybiyey iimaankooda isaga sheegay in dadku yahay saddex nooc 1) mid ay cabsida Alle u tahay manhajkiisa asaasiga ah (المبقين) 2) koox xaqa ka soo hor jeedsatay iyaga oo og in ay xaq yihiin (كافرين) iyo 3) koox loo bixiyey munaafaqiin. Sida ay u kala horreeyaan ayayna u kala fiican yihiin, sidaas darteed munaafaqu waa midka ugu liita. Sida aad arki doontiinna inta laga sheegay munaafaqa mu’minka iyo gaalka midna lagama sheegin. Wuxuuna Alle u ballan qaaday in uu munaafaqiinta gelin doono cadaabta meesheeda ugu hoosaysa, sidaas darteed shaki ma laha in ay noqonayaan xaabada cadaabta.

 إِنَّ الْمُنَافِقِينَ فِي الدَّرْكِ الْأَسْفَلِ مِنَ النَّارِ وَلَنْ تَجِدَ لَهُمْ نَصِيرًا(النساء 145).

Haddii aan isku dayo in aan saddexdaas qodob mid mid wax yar u dul joogsado, ruuxa المبقين ahi waa ruux wax keliya ee uu iska ilaalinayaa tahay cadaabka Alle wax kale oo dhanna aan dan ka lahayn, isla mar ahaantaasna wax kasta oo uu Alle ku raalli gelin karo aan looga hor mari karin. Wuxuu Alle iyo rasuulkiisa uga daydaa samaynta khayrka. Alle wuxuu naxariistiisa ku baahiyaa caalamka oo dhan, qofka urursanina wuxuu ku dadaalaa in uu dadka u naxariisto isaga oo sida ay u kala jilicsan yihiin u kala hor marinaya.

Sida ka muuqata aayadaha hore ee tilmaanta ka bixinaya ruuxa urursan (المبقين) waxaa ugu horraysa in uu yahay ruux rumaysan ugu horray Alle iyo maraglayda (الْغَيْب) oo dhan taas oo ah iimaankii ka dibna salaadda buuxiya sekada iyo sadaqadana dhiiba haddii Alle wax siiyey. Marka waxaan doonayaa in aan dul joogsado الَّذِينَ يُؤْمِنُونَ aaminadaas oo loola jeedo in sida aad u aaminsan tahay dabka in aad ku gubanaysid una galinayn gacantaada waayo waad hubtaa in aad ku gubanaysid oo kale in aad u hubtid in haddii aad iimaan buuxa la imaan weydid in uu Alle ku cadaabayo. Sidaas darteed waxaad halkaas ka garan kartaa in lagaa doonayo in aad sida dabka uga cabsatid cadaabka Alle oo aadan mar keliya u quudhin naftaadu in ay ku dhacdo wax gayeysiin kara cadaab Alle.

Kooxda labaad waa gaalada loo yaqaan kufaarta waxay culumadu isku raacsan tahay in kufrigu yahay ruux kitaab xaq ahi soo gaadhay oo diiday kii ka dambeeyey. Marka qofkaasi wuxuu noqonayaa qof runtii dafiraya; ruuxaasna cid wax ka dhaadhicin kartaa ma jirto waayo waa oge diiddan. Sida aayaddan oo kale ayaa aayado kale oo fara badani u lee yihiin gaalka haddii aad u digto oo ku dhahdo waar waxan dhibaato ayaa kaa soo gaadhaysa ee ka joog kaama yeelayo wax kasta oo aad u sheegto. Sidaas darteed kufri waxaa ah Kiristaanka iyo Yahuudda.

Kooxda ugu damabaysaana waa munaafaqiinta oo quraanku si weyn uga hadlay, rasuulkuna scw uu si weyn noogu sheegay in uu yahay ruux wax kasta oo shar ah sameeya wax khayr ahna lahayn. Munaafaqu waa ruux sheeganaya muslim oo tukanaya, soomaya wixii cibaadaad kale ahaana wixii uu ka gaadho samaynaya laakiin haddana dembiyada timbanaya oo aan iska eegayn kuwaas oo kala baxa kuwo ka toobad keena iyo kuwo jaanta rogan isaga socda.  Marka sida ka muuqata aayadan hoos ku qoran nooca munaafaqiinta ah ee laga hadlayo waa Yahuuddii reer Madiina oo aad uga munaafaqad xumaa reer Makka ayaa Alle si cad noogu sheegayaa in uu laba jeer ifka ku cadaabayo ka dibna uu aakhiro cadaab afka uga shubayo

وَمِمَّنْ حَوْلَكُمْ مِنَ الْأَعْرَابِ مُنَافِقُونَ وَمِنْ أَهْلِ الْمَدِينَةِ مَرَدُوا عَلَى النِّفَاقِ لَا تَعْلَمُهُمْ نَحْنُ نَعْلَمُهُمْ سَنُعَذِّبُهُمْ مَرَّتَيْنِ ثُمَّ يُرَدُّونَ إِلَى عَذَابٍ عَظِيمٍ(101).

Aayaddan kalena waxay ka hadlaysaa in munaafaqiinta qaarkood garanayaan dembigooda ka dibna ay wanaag samaynayaan, kuwaas waxaa suurto gal ah in Alle u dembi dhaafo. وَءَاخَرُونَ اعْتَرَفُوا بِذُنُوبِهِمْ خَلَطُوا عَمَلًا صَالِحًا وَءَاخَرَ سَيِّئًا عَسَى اللَّهُ أَنْ يَتُوبَ عَلَيْهِمْ إِنَّ اللَّهَ غَفُورٌ رَحِيمٌ(102)  sidaas ayay munaafaqiintu ugu kala baxaan labo nooc.

Marka aan lee yahay shiikh munaafaq ah waxaan uga jeedaa shiikh marna dembi gelaya oo kitaabkii Alle oo uu yaqaan ka tallaabsanaya markii uu is dhisayana cimaamad soo hagooganaya oo isaga kaa dhigaya caalim aad ka cilmi qaadato waa meesha ay ummadda Islaamka ahi ka dhimatay. Bal daya culuamda gaalo u qorayso qudbadda jimcaha ee aan marna soo qaadayn aayaadka maanta fitanku ka taagan yahay. Lama hadlayaan dawladda kuwa sheeganaya iyo shabaabta toona xataa haddii ay naftooda ku waayayaan ma ahayn in ay indhaha ka eegtaan.

Waxaan u arkaa in ay tahay wax laga yaq-yaqsoodo in nin shiikh isku sheegayaa uu gaalada ku soo duusha islaamka caalamka oo dhan iyaga oo u arka in islaamku qatar ku yahay dagaalkii qaboobaa ka dib sheegay in ay sax tahay in dawladdu u yeedhato cid kasta oo ka celinaysa xaq diidka. Marka su’aashu ma muslimiinta ayaa inta ay xaqa diidday ay gaaladu doonayaan in ay muslimiinta xaqa aanay diidin? Hase yeeshee talo xumo iyo munaafaqad iyo ku jawr falid ruux aad neceb tahay oo islaamka xaaraan ka ah u daa.

MAANTA MAXAA SOCDA.

Kuwii gaalada u yeertay ee ay culumadu ansixiyeen waxay na lee yihiin Soomaaliya Trusteeship lama gelanayo, haddana waaba la geliyey kuwii diiddanaa in trusteeship la geliyo ayaana maanta Addis ku saxiisay.

Waxaan idin tusayaa maan gaabnimada kuwa aad u taqaaniin siyaasiyiin, waxaa loogu sheekeeyey in Soomaaliya tahay waxa ay u yaqaaniin Failed State waxaan u bixinaya (qaran jabay). Ogoobey iyaga ayaa jebiyey haddana kugu ceebaynaya. Waxay kale oo dawladdii ay dhisteen ku eedeeyeen in ay tahay mid musuq-maasuqeedu noqday xad dhaaf aan daawo lahayn. Wax walba iyaga ayaa laga amar qaataa eh may ka joojiyaan musuq-maasuqa maxay ugu dhaafayaan may dhaqaalaha ay siiyaan ka joojiyaan, sida ay dawladaha kaleba yeelaan. Taas macnaheedu waa in ay abuuraan marmarsiinyo ay ummadda ku sii halaagaan. Waxay dheheen ciidamo uma baahnidin haddana iyaga ayaa keenay ciidamo la dagaalama Shabaabta shacabka Islaamka ahna xasuuqa oo bara kiciya.

Ka dar oo dibi dhal inta ay dheheen dawlad rasmi ah ayaa la idiin samaynayaa ee Trusteeship la idin ma gelinayo ayay dheheen waxaa la dhisayaa dawla dhawr qof oo isugu jira Soomaali iyo ajnebi u taliyaan. Waxaana dhaqaalaha, siyaasadda iyo amniga gacanta ku haynaya xubnaha ajnebiga ah. Waxayna keeneen in ay dhahaan saraakiil ajnebi ah oo booliis ah ayaa la keenayaa saldhigyada booliiska. Sheeko baraley iga dheh waar ma caruur ayay meesha ku arkaan, dalkii oo faraha ka baxayna iga dheh dadkii dalka iska lahaa oo u riyaaqayna waalli iga dheh.

Waxaas waxaa ka sii yaab badan in dastuurkii oday dhaqameedyada la doonayey in ay ansixiyaan wixii laga beddelayana ay ka beddelaan lagu soo ansixiyey wixii laga beddeli lahaana lagu soo beddelay Addis Ababa.

Waxaan doonayaa in dadka Soomaaliyeed kala sheego in ay tahay trusteeship ama gumaysi cad iyo in ay tahay dawlad rasmi ah  oo ummaddu ku baraari doonto.

Marka waxa socdaa sow talo munaafaq ma aha?

Waxaan sugaa waa ra’yiga dadweynaha.

 

Waad mahadsan tihiin.        

OMER SULEIMAN ALI                                                          

 

Comments are closed