Drogba oo Ka Tagey Chelsea Una Hayaamaya China.
London-May-22-2012-qurbejoog.com-Saaxiibayaal qormadeena ciyaaraha waxaynu maanta ku lafagureynaa xiddiga reer Ivory Coast guushana u u soo hooyey naadigiisa Chelsea markii ay hantiyeen koobka horyaalka Yurub Drogba kuna dhawaaqey inuu ka tagayo Chelsea Juun dhamaadkeeda una hayaamayo China.
Xiddigan oo u soo kifaaxey Naadiga Chelsea 8-sanadood ayaa jecel inuu ka daba tago saaxiibkii oo ay isku naadi ahaan jireen waa xiddiga reer France Aneelka oo ka ciyaara wadanka China.
Drogba ayaa garoonkooda Stamford Bridge ku hantiyey saddex horyaal(Premier League,Afar FA Cups iyo labo League Cups.
Drogba oo su’aalo badan kaga yimaadeen miidiyaha Media oo ahayd miyaad ka tageysaa Chelsea waxuu ku nuux-nuuxsadey una raaciyey wey iga goantahay inaan gaadh go’aankaas isla markaana wuxuu ku cadeeyey Shabkedda naadiga(Club Website).
Laacibkan oo 34-jir ah ayaa ku soo biirey naadiga Chelsea 2004-kii kana soo hayaamey Olympique Marseille.
Go’aankan aan gaadhey waa igu adag yahay,laakiin waa wakhtii saxa ahaa ee aan nolasheeyda wax ka baddelo sidaana waxaa ka dhawaajiyey Drogba.
Wuxuu heley goolal uu dhaqliyey oo sahal ah 157 jeer 341-ciyaarood Naadigiisana markasta hogaaminiyey xagga goolasha,kuna guuleystey laba jeer kaqbaha dahabka ee Premier League 2010-kii,laakiin wuxuu soo dhawaadey inuu gabalkiisu dhaco markii Fernando Torres lagu qaatey (50 Million oo Gini) waa ($79.1 Million) January 2011.
Haddaba xiddigan reer Ivory Coast ayaa iskaga hayaamaya Naadiga Chelsea markii nay u cuntabiweydey Torres oo ku qombobey kursiga keydka ha kaa lacag badnaado.
Akhyaartay xiddigan ayaa u baqoolaya waddanka China wuxuuna ku biirayaa naadiga lagu magacaab Shanghai Shenhua Club waxaana uga horeeye xiddiga reer France ANELKA oo ay Chelsea u wada ciyaarayeen intuuna ka tagin.
W/D-Jaahuur
qurbejoog.com