|

Jaleelo: Madaxweynaha Somaliland oo furay Wershad ay ku baxday 17 Milyan oo Doolar

Hargeysa 22, May 2012 (Qurbejoog.com)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta si rasmi ah u furay wershadda Somaliland Beverage Industry (SBI) oo soosaari doonta sharaabka Coca cola iyo sharaabyo kale.

Wershadan oo laga hirgeliyay deegaanka Jaleelo oo dhinaca waqooyi/bari kaga beegan caasimadda Hargeysa, waxa ku baxday 17 milyan oo doolar, waxaana maalgeliyay ganacsade Axmed Cismaan Geelle.

Furitaankii wershada Somaliland Beverage Industry (SBI), waxa ka qaybgalay Madaxweynaha Somaliland, wasiiro, xildhibaano, madaxda xisbiyada qaranka, ururada siyaasadda, wefti ka socda Jabuuti, ganacsato iyo martisharaf kale oo tiro badan.

Guddoomiyaha shirkadda SBI Mr. Axmed Cismaan Geelle oo ka hadlay xafladii furitaanka, waxa uu u mahad celiyay Madaxweynaha iyo marti-sharaftii kale ee ka soo qaybgalay xafladaasi, waxaanu sheegay in dhismaha wershadan uu ku riyoonayay hirgelinteedda muddo 28 sanadood ah, waxaanu tilmaamay inuu u mahadcelinayo dadkii kala soo shaqeeyay marxaladihii uu u soo maray wershadaasi.

Waxa uu sheegay inay warshadani ay liisan ka qaadatay shirkadda Coca-cola ee adduunka sanadkii 2008-dii,waxaanu tilmaamay in sharaabkoodu uu waafaqsan yahay heerka caalamiga, waxaanu u mahad celiyay shirkadda Coca-cola ee bariga iyo badhtamaha Afrika oo uu carabka ku dhuftay inuu iskaashi ka dhexeeyo.

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in 15- milyan oo Dollar lagu maal-geliyay warshadan, taasoo ay iska kaashadeen Somaliland Beverage Industry (SBI) iyo Shirkadda Coca-cola oo ay ka go’an tahay inay qaaradda AFrika ku maal-geliso $12 Bilyan oo dollar sanadaha 2010 illaa 2020-ka.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ka hadlay xafladaasi ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay furitaanka warshadan oo uu xusay inay ka weyn tahay aragtidii uu markii hore ka haystay. “Waxaan marka u horeysa halkan hambalyo aad iyo aad u balaadhan uga soo jeedinayaa shirkadda Coca-cola-ha ee SBI ee aynu halkan maanta wax bandanna ka maqalay wax bandanna ka dhegaysanay, waxaynu indhaheena ku aragnay warshaddan iyo waxa ka dhisan oo runtii ahaa wax aad iyo aad loola yaabo oo aad loogu farxo ahaa. Waxaan hambalyo iyo ammaan balaadhan u soo jeedinayaa Axmed Cismaan Geelle iyo shirkadiisaba. Runtii wixii aan halkan ku arkay may ahayn wax aan filayay,” ayuu yidhi Madaxweynuhu.

Axmed-Siilaanyo waxa uu ka hadlay aragtida ay xukuumaddiisu ka qabto maalgelinta dalka, wuxuuna yidhi; “Anagu haddii aanu dawladda nahay, waxaanu diyaar u nahay wax allaale iyo wixii dhiirigelinaya samaynta warshado noocan oo kale ah ee u faa’iidaynaya ee shaqo u abuuraya oo dalka horumarkiisa gacan ka geysanaya.”

Madaxweynaha Somaliland waxa kale oo uu u mahadceliyay wefti wasiiro ah oo ka yimi dalka Jabuuti, si ay uga qaybgalaan munaasibaddaas.

Wasiirka Ganacsiga, Wershada iyo Dalxiiska Somaliland Mr. Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo isna halkaas ka hadlay, waxa uu bogaadiyay ganacsadaha maalgeliyay wershada SBI iyo shirkadda Cola cola.

Sidoo kale, masuuliyiin ku hadlayay magaca shirkadda Coca-cola ee Adduunka iyo laantooda bariga iyo badhtamaha Afrika oo iyana halkaas ka hadlay, waxay ka warameen marxaladii kala duwanaa ee uu soo maray iskaashiga u dhexeeya iyaga iyo shirkadda wadaniga ah ee SBI.

Qurbejoog.com, Hargeysa

editor@somalidiasporanews.com

Comments are closed