KUWA BAADI AH IN BADAN OO KALENA BAADIYEEYEY
Wuxuu Alle cw jooga digay in aynu wax ka qaadanno kuwo baadi ah in kale oo badnna marin habaabiyey. Wuxuu Alle sidaas noogu sheegay aayaddan hoos ku dhigan iyo kuwo kale oo fara badan.
قُلْ يَاأَهْلَ الْكِتَابِ لَا تَغْلُوا فِي دِينِكُمْ غَيْرَ الْحَقِّ وَلَا تَتَّبِعُوا أَهْوَاءَ قَوْمٍ قَدْ ضَلُّوا مِنْ قَبْلُ وَأَضَلُّوا كَثِيرًا وَضَلُّوا عَنْ سَوَاءِ السَّبِيلِ(المائدة 77).
Haddii aan qeexo macnaha aayaddu waa sidatan:
Kitaaleydaay diintiinna wax aan jirin oo been ah ha ku dhaamin, qolo horay u marin habawday jidkii toosnaana hareer martay in badan oo kalena lumisay ha ku raacina hawadooda beenta ah.
Haddaba waxaa la moodaa in dabinkii Alle nooga digayey aynu ku dhacnay oo gaaladii na gumaysatay ay beentii iyo baadilkii nooga dhigeen run xaq ah. Maantana aynu gaadhnay in uusan jirin ruux beentaas iyo baadilkaas laga dhaadhicin karo in ay been tahay. Waxyaabaha beenta ah ee in ay run yihiin nalaga dhaadhiciyey waxaa ka mid ah:
1. Gobanimada ama xornimada ama waxa afka ingriiska lagu dhaho independence.
2. Gumaysi
3. Xukumid
4. Diinta
5. Dawlad ama government
Dawlad:
Haddii aan ku hor maro dawlad sidii aan maqaaladaydii hore ugu soo sheegayba waa koox dad ah oo xukuma dal xuduud sugan leh iyo dad ama shacab. Waxay dawladdu doonaysaa in ay dadka u samayso manhaj ay ku hoggaamiso oo dadka u samaynaya xad iyo xuduud. Waxay dawladuhu aaminsan yihiin in ay dawladdu xaq u lee dahay in ay iyadu dadka u samayso xad iyo xuduud, taas oo ah been bareer ah hase yeeshee ummadaha Islaamka ah oo dhan laga dhaadhiciyey wax maanta wax kale u sheegi karaanna jirin.
Waxaanse anigu rumays nahay in Alle mooyee cid kale xaq u lahayn in ay dadka addoonsadaan oo ay u sameeyaan xad iyo xuduud. cid alla ciddii ka amar qaadata dawlad aan khilaafo ahayn oo ku dhaqmin shareecada Alle waxay noqonayaan mushrikiin ilaahsaday dawladda. Sidaas darteed waxaan ummadaha Islaamka ah uga digayaa in ay yeeshaan dawlad aan khilaafo ahayn. In kasta oo hadal ahaan ay tahay qalad in dawlad ay isla mar noqoto mid dal iyo dad ku amar ku taaglaysa iyo in ay noqoto khilaafo ma dhici karto, hase yeeshee waxaan ugu talo galay si aan dadka wax u fahamsiiyo.
Xukun.
Waxaa loola jeedaa in dad loo sameeyo xad iyo xuduud ay ilaaliyaan haddii ay jebiyaanna ay ku mutaystaan ciqaab haddii ay si fiican oo daacadnimo ku dheehan tahayna u fuliyana abaal gud. Cidda xadkaas iyo xudaaddaas samaysa ayaa xukunta dalkaas iyo dadkaas. Ciddaas oo samaysata ciidamo booliis ah, xabisyo iyo maxkamado dadka sharcigaas ku xadgudubta la mariyo.
Haddii hay’ad ama koox dad ahi ay dejiyaan sharciga lagu xadaynayo dad dhul deggan, hay’addaas ama kooxdaas ayaa dadkaas iyo dalkaas xukuma. Wuxuu gaalkii Pluto ku sheegay buuggiisa lagu magacaabo the Republic in uu madaxweynuhu xaq u lee yahay in uu ummad xukumo. Wuxuu intaas ku daray madaxweynahaasi si alla sidii uu doono ha ku soo fuulo xukunka ee isaga ayaa u xaq yeelanaya in uu xukumo dadkaas iyo dalkaas.
Marka waxaa intaas laga fahmayaa in ciddii jeebkeeda ka dejisa sharci iyo xeer ummadi ku dhaqanto u samaysta booliis, xabisyo iyo maxkamad ayaa ummaddaas xukuma. Xukunka noocaas ah wuxuu Alle ku tilmaamay xukunkii jaahiliyada markii uu dhahay أَفَحُكْمَ الْجَاهِلِيَّةِ يَبْغُونَ وَمَنْ أَحْسَنُ مِنَ اللَّهِ حُكْمًا لِقَوْمٍ يُوقِنُونَ(المائدة 50). . Jaahiliyadu waa Islaamka ka hor sidaas darteed xukunkii jiri jiray Islaamka ka hor waxaa beddelay shareecada Islaamka. Marka maanta dadka u xuslinaya sharci shaydaan sow ma aha kuwo doonaya xukunkii jaahiliyada, mase idinla tahay in ruux aan ku xukuntamayn shareecada Islaamku in uu sheegto muslim? Waxaan hubaa in aanay diinto ahayn sheegasho ee ay tahay dhaqan, marka ruuxii ku dhaqmaya ayaa sheegan kara muslim. Nin ka mid ah culumada ayaan ka dhegaystay in marag ka yahay ruux la tukanaya oo aan rumaysnayn Alle iyo qiyaame toona.
Markii aad eegto abuurka jira oo dhan nidaamka iyo xeerarka ay ku kala socdaan Alle oo keliya ayaa dejiyey. Markii nebi Muuse uu Fircoon ku dhahay Muusow waa kuma Ilaahaagu قَالَ فَمَنْ رَبُّكُمَا يَامُوسَى(طه 49). , markaas ayuu ku dhahay Eebahay waa kan wax kasta oo jira abuuray nidaamka iyo xeerkana u sameeyey. قَالَ رَبُّنَا الَّذِي أَعْطَى كُلَّ شَيْءٍ خَلْقَهُ ثُمَّ هَدَى(طه 50). . Marka haddii aad isha mariso wax kasta oo jira nidaamka iyo xeerka ay ku socdaan Alle ayaa u sameeyey marka in uu All dadka u sameeyey sharci ay ku dhaqmaan shaki kuma jiro, weliba sharci ka caadilsan kana qummani ma jiro.
Halkaas waxaynu ka garanaynaa ruuxii shareecada Islaamka ku dhaqma ayaa muslim ah waxaana xukuma Alle, ruuxiise sharci dad dejiyey ku dhaqma waxaa xukuma shaydaan, waana mushrik aan toobad lahayn. Midda kale ma dhici karto in ruux doonaya in uu ku dhaqmo shareecada Islaamka lagu aflagaadeeyo xukun doon weeye, waayo markii lagu dhaqmayo shareecada Islaamka madax iyo madax la’aaniba waxay wada fulinayaan kana wada baqayaan oo korka ka wada xukuma Allaah.
Sidaas darteed gaaladu waxay na bareen in uu dadku wax xukumo ayna tahay xaq hase yeeshee been iyo baadil weeye Alle mooyee cid kalena wax ma xukunto. Maantana waxaa la gaadhay meel la dhaho sidee shareeco la isugu xukumayaa. Gumaysigii reer galbeedka ka hor Soomaaliya waxay ahayd dad xor ah oo Alle xukumo kuna dhaqma shareecada Islaamka. Dad ayaa qaba in dawladdii Othman Imbaayar ay Soomaaliya ka talin jirtay hase yeeshee haddii khilaafo ahaydna Alle ayay Soomaaliya xukumayey haddii ay dawlad ahaydna boqoradii Turkiga ayaa xukukmi jiray.
Ilaah mooyee cid kale oo xaq u lihi ma jirto in ay dadka ka dhigato addoomo sidii ay doontana ka yeesho. Waxaynu naqaan aayadaha 44, 45 iyo 47 ee suuradda Al-Maa’iidah iyada oo aayadda 44aad ay ku tilmaantay cidda aan isku xukumin shareecada ay yihiin kuwo Alle jiritaankiisa duugay oo qariyey, aayadda 45aadna waxay lee dahay waa mushrikiin midda 47aadna waxay ku tilmaantay faasiqiin oo macnaheedu yahay kuwa aan dembiyada ka waaban nooc kasta oo uu yahay.
Sidaas darteed ummaddii Islaam ah ee aan ku xeertamina shareecada Islaamku ama waa gaalo, ama waa mushrikiin ama waa faasiqiin intubana waa isku ula jeeddo Alle agtiisana wax u yaallaa ma jiraan. Wuxuu kale oo Alle noogu sheegayaa in uu ummad kasta u sameeyey sharci ay ku dhaqmaan waana tan aayadda sidaas Alle noogu sheegayo
وَأَنْزَلْنَا إِلَيْكَ الْكِتَابَ بِالْحَقِّ مُصَدِّقًا لِمَا بَيْنَ يَدَيْهِ مِنَ الْكِتَابِ وَمُهَيْمِنًا عَلَيْهِ فَاحْكُمْ بَيْنَهُمْ بِمَا أَنْزَلَ اللَّهُ وَلَا تَتَّبِعْ أَهْوَاءَهُمْ عَمَّا جَاءَكَ مِنَ الْحَقِّ لِكُلٍّ جَعَلْنَا مِنْكُمْ شِرْعَةً وَمِنْهَاجًا وَلَوْ شَاءَ اللَّهُ لَجَعَلَكُمْ أُمَّةً وَاحِدَةً وَلَكِنْ لِيَبْلُوَكُمْ فِي مَا ءَاتَاكُمْ فَاسْتَبِقُوا الْخَيْرَاتِ إِلَى اللَّهِ مَرْجِعُكُمْ جَمِيعًا فَيُنَبِّئُكُمْ بِمَا كُنْتُمْ فِيهِ تَخْتَلِفُونَ(المائدة 48).
Waxaanu kuu soo dejinnay kitaab xaqa iyo runta sugaya lana mid ah kutubtii kale ee ka horraysay wixii ay dhigayeenna dhigaya oo aan waxba uga duwanayn, sidaas darteed dadka ku kala xukun wixii Alle kuu soo dejiyey, hawadooda beenta ahna ha ku raacin adiga oo ka tegaya wixii xaqa lagaaga soo tebiyey ee ku soo gaadhay, ummad kasta waxaanu u yeelnay sharci iyo tub toobiye ah oo ay maraan, Allena haddii uusan doonayn in uu idin kala eego sida aad wax kala yeeshaan wuxuu idinka dhigi lahaa hal ummad oo keliya, waxa la idinka doonayaa waa in aad ku tartantaan khayr samaynta, waayo isaga ayaa xisaab la idiin soo wada hor tubi doonaa markaas ayuu idin kala xukuamayaa.
DIIN
Diintu waa sharciga ay ummadi ku dhaqanto sidaasna wuxuu Alle noogu sheegay aayaddan 76aad suuradda An-Nisaa oo lagu sheegayo in diinta boqorku u ogolaatay in uu nebi Yuusuf walaalkiis reebto.
فَبَدَأَ بِأَوْعِيَتِهِمْ قَبْلَ وِعَاءِ أَخِيهِ ثُمَّ اسْتَخْرَجَهَا مِنْ وِعَاءِ أَخِيهِ كَذَلِكَ كِدْنَا لِيُوسُفَ مَا كَانَ لِيَأْخُذَ أَخَاهُ فِي دِينِ الْمَلِكِ إِلَّا أَنْ يَشَاءَ اللَّهُ نَرْفَعُ دَرَجَاتٍ مَنْ نَشَاءُ وَفَوْقَ كُلِّ ذِي عِلْمٍ عَلِيمٌ(76).
Qodobada kale ee aan kor ku soo sheegay maqaalada dambe ayaan ku lafa gurayaa insha Allaah.
G/le Sare Omer Suleiman Ali 21/05/12