Jaaliyadda Beesha Cayr ee Waqooyiga Ameerika oo Sameystay Hoggaan ay ku mideysan tahay(DAAWO SAWIRADA)-
Ottawa May21, 2012(SDN)-Waxaa galabnimadii jimcada oo ay taariikhdu aheyd Maajo 11,2012 ka billowday magaalada Ottawa ee caasimadda Canada, kulan si qurux badan loo soo agaasimay muddana laga shaqeynayay oo ay isugu yimaadeen ergooyin ka socday qurba joogta beesha Cayr ee dalalka Mareykanka iyo Canada. Shirkaas oo ahaa kii kowaad e ay ka soo wada qayb galaan ergooyin ka kala socda Canada iyo Mareykanka wuxuuna ka dhacay Hotelka weyn ee Les Suites Hotel oo ku yaal Magaalada Ottawa, Canada.
Shirwenaha ayaa waxaa ka soo qayb galay dhammaan qaybaha ay jaaliyaddu ka kooban tahay sida Odayaasha dhaqanka, Culumida, Haweenka, dhallinyaro, waxgarad iyo aqoonyahanno.
Ujeedada shirku waxay aheyd hirgelinta shir sannadeedka xubnaha Jaaliyadda beesha Cayr ee Waqooyi Amerika si loo qiimeyo wixii la soo qabtay, isla markaana looga wada hadlo qorshaha wax qabadka labada sano ee soo socda. Arrimaha lagu lafo-guray shirka waxaa ka mid ahaa xaladda dhinacyada ilaalinta dhaqanka suuban, horukaca dhaqaalaha, waxbarashada, caafimaadka iyo siyaasadda ee saameynaya gaar ahaan jaaliyadda beesha ee Waqooyiga Ameerika, iyo guud ahaan beesha Cayr dal iyo dibadba.
Waxay ergadu isla meel dhigeen in xoojinta midnimada beesha Cayr ay kaalin wax ku ool ah ka qaadan karto horumarka iyo horumarinta dhammaan beelaha ay beesha Cayr bahwadaagga yihiin, beelaha ay dariska yihiin, iyo dhammaan beelaha Soomaaliyeed , dalka Soomaaliya iyo waliba iskaashiga caalamka.
Haddaba waxay ergooyinkii shirku isku raaceen in si loo daboolo baahida dhinacyada kala duwan ee kor ku xusan,loogana soo dhalaalo kaalinta laga sugayo beesha, ayna lama huraan tahay in ay jaaliyadda waqooyiga Ameerika ee beeshu yeelato hoggaan ay ku mideysan tahay, oo hadafkiisu yahay mideynta aragtida iyo wax qabadka beesha si loo xaqiijiyo ka miro dhalinta dadaalka loogu jiro isku
xirka Jaaliyadaha Soomaliyeed ee Waqooyiga Amerika, isla markaana door muuqda looga qaato nabadda, xasillonida, dib u heshiisinta iyo dib u dhiska dalka Soomaliya.
Ugu danbeyn waxaa ergooyinkii shirka ka soo qayb galay ay sameeyeen gole ka kooban 31 xubnood oo isugu jira rag iyo dumar oo wakiillo ka ah jaaliyadaha beesha cayr ee Mareykanka iyo Canada. Waxaana guddigaas laga sii dhex doortay 9 xubnood oo guddi fulin ah.
Waxaa Guddoomiyaha golaha jaaliyadda Beesha Cayr ee Waqooyi Amerika loo doortay Mudane Cabdulqaadir Maxamuud Maalin (Ilkacase) oo deggan Canada, halka Marwo Raaxo H. warsame oo deggan Mareykanka loo doortay Guddoomiye ku xigeen.
Shirweynihii koowaad ee jaaliyadda cayr ee Waqooyiga America wuxuu farxad iyo rayn rayn ku soo gabogaboobay maalinimadii Axadda May 13,2012.,waxaana lagu heshiiyay in sannad ama labo sano gudahooda la isugu yimaado shir caadi ah.
SDN-Ottawa