|

NINKA CIIL IYO CAYDHO IYO COLAAD KU KORKA AHI WAA 3 CAYNLE WAXMAALLE

Dhamaantiin waad salaaman tihiin wariyayaasha u heegan war is gaadhsiinta iyo akhristayaashaba

Intaasi ka dib waxaan jeclaystay bal inaan wax ka yar barano ninkan darajada uu sitaa ay tahay 3caynle waxmaalle.horta waa nin khatar aha wax wanaaga ahna kama taliyo dhiilo iyo dhibaato mooyaana

3cayn waxay qofka dhaxalsiisaa nebcaanshiiyo iyo colaad xad dhaaf ah oo uu qofkani ku muujin karo uun (XUKUN IYO ADDUUNYO UU HELO)

3caynle waxaa uu adduunka ugu jecel yahay in uu awood mar uun uu yeesho uu ku aargoosto ama maal badan. wado kastoo uu u mari karnaa waa u heegan habeen iyo maaliba .waayo sida kaliya uu ku fulin karo aargoosigiisan xun ee ka soo sun qaadanay 3cayn ee uu sito (ciil cadho iyo colaad)

markuu haddaba uu xukun helo waxaa uu markiiba ku qaadaa colaad hor leh kuwii dad ugu dhawaa ee uu saaxiibada la ahaa waxaa uu soo dhawaystaa necabkiisa .

waxtarkiisoo dhani waxaa uu noqdaa waxyeelo sokeeye waxyeeladiisuna waxay noqotaa waxtar shisheeye .markaas baa uu xukunka awoodiisii uu u isticimaala hub uu ku aargoosto .

markaas baa waxaa soo baxda 3caynle shaqsiyadiisii dhabta ahayd ee uu markii hore uu ku hagoogayey wajiga beenta ah . markaas baa dadba yaaaaabaaa ,cidna markaa uma aabo yeelo markaas baa waxaa la arkaa anaanimadii xumayd danaysigiisii xumaaa iyo axmaqnimadiisa xad dhaafka ah iyo nebcaanshiiyihiisa fog

waxaa ku tagey darajadani 3caynle siyaad iyo cali samatar iyo kooxdiisii rag fara badan oo ka mid ah oo qaar maanta nool yihiin

(goaan xun oo kastoo biniaadan sameeyo waxaa laga faaiidaa khibrad ,khibradaasina waxay dadka caqliga u saaxiibka ku kordhisaa wax ku qaadasho markaas bay goaan fiican gaadhaan oo ka leexdaan khaladkii kuwii hore ku jabeen laakiin 3caynle waxaa isagu waa ka indha iyo dhaga layahay ) waxna kuma qaato

ninka haddaba caynkaas ah soomaalidii hore xeer cajiiba ayey ka lahayd hadday arkaan ninkuba in uu yahay mid ciil iyo cadho  badan waxba uma ayna  dhiiban jirin xukun ah

(waxa inagu haboon in aan u qirno inay ragaasi inaga caqli badnaayeen 3caynle waxmaale gartay inaanay siin jago masuuliyad la xidhiidha biniaaadan)

inagan waxaa inagu haboon in nimanka aan u saarayno masuuliyada ummada laga dhexeego dabeecadahan xun ee ma dhalyska ah oon 3caynle laga ilaaliyo (XUKUNKA) 

Haddaba 3caynle maxaa ka dhasha xukunkiisa ?

Waxaa ka dhasha qax qaxar qaxootinimo xanuun iyo colaad sokeeye oo raagta iyo kalsooni daro ummaddii ku kala dhex dhacda.

Waxaa aan leeyahay s/land gadaloolo fara badan ayaa laga soo sheegayaa niman badana waan arkaa oo sita darajadn 3da cayn wax maaale oo masuuliyiin dadka u ah aniguna sheegi mayo laakiin ninkastaa isagaa is sheegay  oo waa la wada arkaa bilaa calayg dadka ku soo celya xukunkoodii haddaydaan maamuli karaynin .

Dhaliil kastoo la sheegana yaan loo qaadan colaad ha loo qaato sida tahay gadalooladu ma jiraan ? haa hadday jiraan aan saxna ninka fariidka ahina waa ninka khaldkiisa ku sax saxa.

Sidaa iyo nabad gelyo

Fuad jawi

Ottawa Canada

Comments are closed