Khasaaraha ka dhashay Dhul-gariir ruxay Waqooyiga dalka Talyaaniga
Rome 20, May 2012 (Qurbejoog.com/AP)- Dhul-gariirkii ugu xumaa ee muddooyin boqolaal sanadood ah ku dhufta Waqooyi/bari ee dalka Talyaaniga, ayaa xilli hore oo Axadda maanta ah ku dhuftay gobolka Bolongna.
Siday ku warantay wakaalada wararka ee Associated Press, ugu yaraan 4 qof ayaa ku dhintay Dhul-gariirkaas, wuxuuna laabay wershado badan, iyadoo dadweynuhuna ka qaxeen, siday sheegeen waaxda adeegga degdega ah ee Talyaanigu.
Siday sheegtay waaxda la socodka saadaasha hawada Maraykanka, cabirka Dhul-gariirkaas waxa lagu sheegay inuu ahaa 6.0 Magnitude, wuxuuna saameeyay 35 Km oo ah waqooyiga gobolka Bologna.
Sarkaal ka tirsan hay’adda difaaca dadweynaha Mr. Adriano Gumina, waxa uu sheegay in Dhul-gariirkaasi ahaa kii ugu xumaa ee gobolka ka dhacay, tan iyo markii ay taariikhdu ahayd 1300..
Madaxa hay’addaas Franco Gabrielli, waxa uu tirada dhimashada ku sheegay afar qof oo dhamaantood ahaa shaqaalihii ku jiray shaqadii habeenimo ee wershada ee xalay, kuwaasoo ku dhintay burburka dhismeyaasha saddex goobood oo kala duwan.
Mr. Franco waxa uu intaa in laba dumar ahi sida loo malaynayo ku dhinteen wadne-xanuun ku dhuftay oo sida muuqata ka cabsi ka dhashay, wax yar uun ka dhib markii dhul-gariirku ruxay deegaankaas.
Sida uu sheegay Sky TG24 TV, mid ka mid ah labadaas dumarka ahi waxay ahayd haweenayd da’deeda ilaa 100 jir lagu qiyaasay.
Waxa uu sheegay in deraasiin dad ahi ku dhinteen shilkaas, inkastoo uu xusay inay xilli hore tahay in dhab ahaan khasaaraha ka ogaado.
Qurbejoog.com, Rome