Iiraan oo shuruud ku xidhay wadahadalka Tayaynta Nukliyeerkeeda
Tehran 19, May 2012 (Qurbejoog.com)- Dawladda Iiraan, ayaa shuruud ku xidhay wadahadalada ku saabsan tayaynta Nukliyeerkeeda oo muddooyinkii u dambeeyay murankeedu sii xoogaysanayay.
Iiraan waxay Sabtida maanta sheegtay in marka hore loo baahan yahay in laga qaado cunaqabaynta ka hor inta aan todobaadka soo socda magaalada Baqdaad lagu qaban wadahadala ku saabsan Nuckilyeerka.
Afhayeenka wasaaradda Khaarajiga Iiraan Mr. Ramin Mehmanparast waxa uu wargeyska maalinlaha ah ee afka dawladda ku hadla u sheegay in marka hore loo baahan yahay in waxa ugu horeeya ee la saxeexaa uu noqdo qaadista cunaqabataynta reer Galbeedku saaray dalkiisa, si ay sida uu sheegay reer Galbeedku u bedelaan jidka khaldan ee ay ku socdaan eek u saabsan Iiraan iyo quwada Nukliyeerkeeda. “Ma jiro qof Iiraani ah oo la dhacsan arrimaha cunaqabataymaha,” ayuu yidhi afhayeenku. “Waxa laga yaabaa inay dhibaatooyin horseedo,” ayuu hadalkiisa raaciyay.
Reer Galbeedku waxa uu aaminsan yahay in Iiraan ay ku hawlan tahay tayaynta hubka halista ah ee Nuckilyeerka, laakiin dawladda Tehran waxay ku doodaynaa in guud ahaan Nukliyeerkeedu uu ku salaysan yahay hab nabadgelyo ah.
Qurbejoog.com, Tehran