Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo ku keliyeystay Kheyriyada Hargeysa,Maxay tahay sababtu?
Hargeysa May 19,2012(SDN)-Waxa markii u horeysay taariikhda Somaliland intii ay jirtay Xisbi qudha ku keliyeysatay weyneynta iyo khudbadaha laga jeediyo fagaaraha Kheyriyada Caasimada Somaliland oo kumanaan isugu soo baxeen shalay.
Caadiyan munaasibada 18 May ayaa axsaabata iyo masuuliyiinta kala duwan ee dalku dadweynaha u jeediyaan khudbado isugu jira ka hadalka taariikhda Somaliland iyo kolba wacdiga jidha.
Balse sanadkan oo dalka ay ka jiraan arrimo xasaasiya oo ay ka mid yihiin colaado qaar caasimada ay soo gaadheen,tartanka ururada siyaasiga iyo wadahadalada doodaha badani ay ku xeedhan yihiin ee Somaliland iyo Soomaaliya ayaa hadana Madaxweynuhu uu hubiyay in aaney xisbiyada kale la wadaagin fagaaraha.
Waxa la abaabulay in dalka dibediisa khaasatan Washington lagu qabto munaasibad siyaasiyiintii waa weyneed lagu casuumadeeyay.
Halkaa waxa ka baxay in cidi dadka la wadaagto dareenada jira ee ku wejehan marxalada dalku marayo.
Sidoo kale madaxdii ururadii la reebay ayaa laga suuliyay dhamaan fagaareyaasha dadka looga waramayay.
Xukuumada aan la garneyn xisbiga ay ka tirsan tahay ee Axmed Siilaanyo ayaa khudbadihii isku koobtay ugana hadashay xaaladaha jira sida ay la tahay.
Hadaba suaashu wax ay noqoneysaa ma jiri doonaan fursado loo siman yahay oo looga hadlo xaaladaha dalka ka jira si wixii talooyin,dhaliilo iyo toosin ahba loogu jeedin lahaa xukuumada Axmed Siilaanyo?
Hoos u dhac intee le’eg ayay hab dhaqanka xukuumadu dhaxalsiin doontaa geedisocodka Somaliland?
SDN-Hargeysa