|

Somaliland oo Xalay aan la Seexan iyo Debaal Dega oo si wanaagsan isugu Dhacay

Hargeysa May 18,2012(SDN)-Waxa xalay ka socdey guud ahaan dalka Somaliland diyaar garaw,damaashaad aan kala joogsi leheyn oo aan laga seexan.

Magaalooyinka Boorama Burco,Ceerigaabo,Laascaano,Berbera iyo Hargeysa ayaa sida wariyeyaashu ku soo waramayaan debaal degii saaka looga dareeray.

Debaal dega 18 May ee ku dhawaaqidii la soo noqodka madaxbanaanida Somaliland ayaa sanadkan 21 jirsatay.

Waa maalintii Burco looga dhawaaqay goaan ay isla gaadheen beelaha Somaliland oo ku saleysnaa dib ula soo noqoshada dawladnimadii 60kii ay la wadaageen Soomaaliya.

Waxa dhawaan aanu indin soo gudbin doonaa muuqaalo ku saabsaan damaashaadka maalintan reer Somaliland ku weyn.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed