|

Buug uu Qoray Amriki:Waxaan Tebey Raashinkii Mareykanka iyo Qoyskeyga

Muqdisho May18,2012(SDN)-Nin Mareykana oo 2006dii ku biidhay kooxda Al Shabaab ayaa qoray buug uu uga waramayo xaaladiisa waxa uu ugu yeedhay”Taariikhda Mareykan Jihad doona’.

Buugan ayaa ah astaanta qudha ee ilaa yo haatan laga hayo in Amriki nool yahay,ka dib xog la baahiyay oo tibaaxeysay in Shabaabku Khaarejiyeen,ka dib kolkuu baahiyay Cajalad muuqaal ah oo uu uga waramayay khilaaf Shabaabka ka dhex ka aloosan.

Omer Hammami oo iminka la baxay Abu Masoor Al Amriki ayaa ku dhashay Alalbama,isla markaana tegi jiray Dugsi Masiixi ah ayaa 2006dii ku biiray Shabaabka.

“Waxaan rajeyneynaa in Muslimiinta Dunida aan tusaale u noqdo,inkasta oo aanan aheyn ruux muhiima hadana ma arakeysid Cadaan badan oo Jihaad doona ma jiraan”ayuu qoray Amriki.

Hammimi ayaa buuga waxa uu ku qoray buugiisa in uu aad u tebay Raashinkii Mareykanka iyo qoyskiisa.

Amriki ayaa sheegay in ku biidhidiisa Shabaabka ay khatar ku tahay Mareykan bacdamaa iminka la jebiyay derbigii hor taagnaa isu gudubaka.

Amriki waxa uu wax ka qoray dhibaatada uu kala kulmay ku biirida Shabaabka iyo ugaadhsiga duyuuradaha dagaalku ku hayaan raga cadcad ee Shabaabka ku jidha.

SDN-Muqdisho

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed