|

Shirkada Horn Petroleum oo Joojisay Shidaal Qodidii Barta Shabeel ee Puntland,Maxay Tahay Sababtu?

Bosaso May 18,2012(SDN)-Shirkada Horn Pertoleum Corp Shidaal baarida ka wada Puntland ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in caqabad ay soo wejahday ceelka Shabeel ee degaanka Dharoor. 

Ceelka Shabeel ee qodaalku ka socday ayaa dhererkiisu gaadhay 3800 meters oo ka dhigan in la gaadhay heer aan laga soo saari karin shidaal la iib geyn karo,sida ay qoraal ku sheegtay shirkadu.

Saamiga shirkada Africa Oil Corp oo Canada laga leeyahay ayaa suuqa saamiga Toronto waxa uu ku qimeeyay 77 cent.

Qalabkii shidaalka ka baadhayay goobta Shabeel ayaa haatan loo rarayaa goob kale oo kaga haboon shidaal soo saar.

Shirkada African Oil ayaa leh saamiga  shirkada Horn Petroleum 41%,waana shirkada qudha ee ku dhiiratay in Soomaaliya ay shidaal ka soo saarto.

SDN-Bosaso

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed