Masuuliyiinta Xukuumadda oo shaacisay laba maalmood oo fasax ah
Hargeysa, 17, May 2012 (SDN)- Wasaaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshada Somaliland ayaa shaacisay in laba maalmood oo fasax uu dhamaan dalku gali doono.
Qoraal ka soo baxay xafiiska Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada waxa uu ku sheegay in sida uu dhigayo xeerka shaqaalaha Rayidka ah haddii mid ama dhowr fasax qaran isku beeg-maan ay shaqaaluhu xaq u leeyihiin inay maal-maha xiga helaan fasaxoodii.
waxaanu Waskiirku hambalyo iyo bogaadin u diray munaasibadda 18-Ka may awgeed, shaqaale-weynaha Somaaliland, isagoo u rajeeyey inay sanadkan kiisa kale ku gaadhaan caafimaad iyo Barwaaqo.
Dhinaca kalena Gudoomiyaha hay’ada Shaqaalaha Dawladda Nuux sh.Muuse Ducaale,ayaa isna qoraal uu soo saaray Waxa uu ku sheegay in shaqaalaha Dawladdu ay fasax ka yihiin shaqada maal-maha Sabtida iyo Axadda ee 19 Iyo 20 Bishan May,Iyada oo xuska 18 May uu ku began yahay maalin Jimcaha ah awgeed.
SDN, Hargeysa