|

Mudaharaadyo xalay Gil-gilay New Hargeysa, xukuumadda oo Ciidamo dhoobtay iyo Wasiiro ka qaxay xaafadihii ay ka deganaayeen

Xukunkii Maxkamadda Ciidamadda oo Xalay Hurdada u diiday Reer New Hargeysa iyo Xukuumadda oo Cabsi ladi weyday

Wasiir Duur iyo Wasiir Xirsi oo la sheegay cabsi awgeed inay ka qaxeen xaafadahoodii iyo kuwo kale oo Amnigooda la adkeeyay.

Hargeysa, 17 May 2012 (SDN)- Kooxo is abaabulay Dhawaqii Xukunka Maxkamadda Ciidamadda kadib ayaa xalay xidhay Jidka dheer ee dhex mara Xaafadda New Hargeysa ee bariga Hargeysa, waxaanay ku gooyeen Taayiro ay gubeen, hase yeeshee waxa markii danbe la tacaalay Ciidamo badan oo Booliis ah oo ay Xukuumaddu ku filqisay xaafadaasi iyo Madax dhaqameedka beesha degtam inkasta oo ay ku guulaysan kari waayeen inay seexiyaan.

Dhinaca kalena warar aanu xalay ka helnay xaafadaasi kadib markii ay xaaladdu sii cakirantay ayaa Waaheen u xaqiijiyay in Wasiiradda Arrimaha Gudaha Maxamed Nuur Carraale Duur iyo Wasiirka Madaxtooyadda Xirsi X Cali ay cabsi darted guryahoodii faaruqiyeen oo ay u qaxeen meelo aan la garanayn.

Xukunka Maxkamadda ayaa Soomal haad iyo soo jeed ku riday dadka xaafadaas degan oo ka cadhooday Go’aankaasi, halka Xukuumadda Somaliland-na xalay oo dhan ay Heegan ugu jirtay inay xakamayso dadkaasi si aanay khasaare kii doraad ka dhacay Xerada Ciidanka u sababin.

Dad goob jog ahaa oo aanu ka waraysanay siday wax u dhacayeen xalay oo magacyadooda ka gaabsaday ayaa yidhi “ dadku aad bay u gadoodsan yihiin waxaanay taagan yihiin Jidka iyo xafadaha Taayiro ayay gubeen, Ciidamo Booliis ahbaana lagu soo daadiyay si ay u kala kaxeeyaan, waxaase yimi Suldaan Yuusuf Xiiray iyo Suldaan Saleebaan oo isku dayay inay kala kaxeeyaan laakiin way diideen oo gidaarada ayay wali tuban yihiin dadkii “ ayuu yidhi

Waxaanu intaa raaciyay “ Suldaan Xiiray dadkii way ku gadoodeen oo way eryadeen laakiin Suldaan Saleebaan ayaa ku beerlaxawsaday imikaan Madaxweyanaha ka soo baxay xukunkani maaha mid la fulinayo waxa la doonayaa uun inaanay dad danbe Xero Ciidan weerarin anigaa idiinka balanqaadaya oo Madaxweynaha imikaaban ka socdaa” ayuu yidhi wuu ku tiraabayay

Mid kale oo aanu isna khadka Telefoonka kula xidhiidhnay ayaa yidhi “ Guriga Wasiir Duur baan hor taaganahay sadex Laydh oo kuwa banaanka ah ayaa shidan laakiin gurigu wuu bakhtiisan yahay, waxaana la ii sheegay inaanu joogin. Imikadan dad Telefoon ii soo diray ayaa igu leh wuu ka qaxay oo xagaa iyo Dunbuluq buu u sii socday, Xirsi-na isna gurigiisu waa faaruq” ayuu yidhi

Goor danbe oo aanu isku daynay inaanu la socono xaalada ayaanu helnay qof kale oo goobta joogay “ taayiraa la gubayaa imika oo qiiqii iyo Ololkii baa is qabsaday Ciidamo Booliis ah ayaa soo weeraray oo rasaas ku riday dadkii gubayay markaa way kala eryeen waxaana ii muuqda Askar badan oo Bilays  ah oo iyaga laftigoodu baqaya oo feejignaani ka muuqato”ayuu yidhi.

Mid kale oo ka mid ahaa dadka u dhaw jidka New Hargeysa ayaa yidhi “ waxaan ka baqayaa xaaladu inay sii xumaato, dadkii way is abaabulayaan Xukuumadduna Xoog bay adeegsanaysaa oo Ciidamo dhar cad ah iyo kuwo qoryoolay ahba way soo dhoobtay xataa kuwo kale oo xaga Dararweyne ka soo socda ayaan maqlayaa inay Haleeya soo gaadheen markaa mooyi si waaguba ku baryi doono” ayuu kaga baxay

Saacadihii danbe ee xalay ayaa lagu daad gureeyay Ciidamo Tikniko wata si ay u ilaaliyaan Amaanka masuuliyiinta iyo dadka magaca leh ee xaafadaas degan si aan waxyeelo loogu geysan, waxaana xaafadaha qaarkood la geeyay ciidan xoogan oo sugi kara Amnigooda.

Si kasta ha ahaatee go’aanka Maxkamadda sare ayaa xalay dood dheer dhaliyay marka laga yimaado dhacdooyinkii xaafadda New Hargeysa xalay ku gedaanaa, waxaanay dadka qaarkood u arkayeen talaabo loo baahnaa oo lagu abaal marin karo cidii falkii waxashnimada ahaa ee Xerada Ciidanka weeraray geysatay, halka ay dad kale go’aanka Maxkamadda u arkayeen mid lagu dajinayo khasaarihii dhacay oo aan la fulin doonin.

Hase yeeshee waxa loo wada fadhiyi doonaa halka uu ku danbeeyo Go’aanka Maxkamaddu iyo sida ay XukuumaddA Somaliland uga dabaalato khasaare danbe oo intii hore ka balaadhan oo dhaca.

Dhinaca kale xukuumada oo aanu isku daynay inaanu Dhacdooyinkan wax ka waydiino ayaanay noo suurto galin

SDN, Hargeisa

Source Waaheen

Comments are closed