|

Gen Cali Samatar oo dib u soo Nooleeyay Dacwad uu Hore uga Tanaasulay

Richmond,Va May 17,2012(SDN)-Qareenka Gen Maxamed Cali Samatar ayaa Maxkamada dhexe ee Racfanka Mareykanka u gudbiyay cabasho ku wejahan in Xaakim uu hore u raacay Qoraal ka soo baxay Wasaarada arrimaha Dibedda Mareykanka oo dhigayay in la maxkamadeyn karo Cali Samatar.

Gen Cali Samatar ayaa haatan racfaan ka qaatay goaan ay hore u gaadhay maxkamad Mareykan ah oo hore u gaadhay in Masuulkan hore la maxkamadeyn karayo.

Cali Samatar ayaa waxa dacwado ku soo oogay dhawr ruux oo Soomaali ah oo ku dooday in uu xilkii uu ummada u hayay si guracan u isticmaalay.

Dhibanayaasha ayaa isugu jira qaar shaqsiyan tacadiyo ay u geysatay xukuumadii Siyaad Bare ee Cali Samatarna ku-xigeenka ka ahaa,halka qaar kalena ay ehelkooda ku xad gudubtay.

Cali Samatar ayaa sanadkan horaantiisii sheegay in uu aqbalay masuuliyada dhacdooyinka lagu eedeeyay,inkasta oo uu hadan ku adkeystay in aanu shaqsiyan wax denbi ah gelin.

Qareenka Cali Samatar ayaa iminka ku doodaya in ay Khalad aheyd in Maxkamada ay dhegeysato qoraalka Wasaarada,oo ay aheyd in ay gaadho goaan maxkamadeed.

Maxkamada racfaanka ayaa inta badan qaadata mudo todobaada oo ay uga baaraan degto dacwadaha.

 

SDN-Richmond

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed