Guddoomiyaha KULMIYE muxuu ka yidhi kulan uu la yeeshay Ibraahim Dhegaweyne?
Hargeysa, 10, May 2012 (SDN)- Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlay kulan uu la yeeshay Guddoomiyaha Urur Siyaasaddeedka UDHIS Ibraahim Dhegawayane.
Gudoomiyuhu wuxuu meesha ka saaray in Dhegawayne ugu tagey dhexdhexaadin, waxaanu tilmaamay inaanay ishaynin Xukuumadda iyo Ururrada hadhay., waxaana hadalladiisii ka mid ahaa. “Horta erayga dhexdhexaadin waxa la dhexdhexaadiyaa laba dhinac oo is haya. Horta laba dhinac oo is-hayaa ma jiraan. Dhega-weyne waanu is aragnay horena waanu isu-arki jirnay inaanu maalin wada qayilno iyo inaanu maalin wada qadaynaba, horeba waanu isu-arki jirnay. Tan immika waxaanu isku arragnay Gurigiisa oo waxaanu nahay rag saaxiibo ah oo meel walba is-kugu taga.” Ayuu yidhi Muuse Biixi.
“Waxaan ummaleynayaa arrin immika ciddi ergo u tagto oo dhex-dhexaadin ka gasha Ururadda iyo xukuumada in aanay jirin oo cid is haysaa immika ma jirto. matalan Ururadda hadhay maxay nagu leeyihiin?. Waxay nagu leeyihiin waxay sheeganayaan in loo caddeeyo, taa malaa waxay leedahay wado ama Maxkamad ha noqoto ama xukuumada ha noqoto cidday ka cabanayaan inay maxkamadda u gudbiyaan,”ayuu yidhi Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE.
SDN, Hargeysa