Guddida Xoojinta Nebedgelyada Burco oo kulan ka yeeshay Geed faro baas ku haya Magaaladaas
Burco May 09,2012(SDN)-Shir jaraaid oo ay maanta ku qabteen gudida xoojinta nabad gelyada ee magaalada burco hoolka shirarka dawlada hoose ee magaaladaasi ayaa lagaga hadlaay sidii loo cidhib tiri lahaa geedka garanwaaga oo magaalada burco aad ugu sii badanaya.
Gudoomiye ku xigeenka gudida xoojinta nabadgelyada Jamaal shiwaal oo ka Hadley shirkaasi jaraaid ayaa sheegay in ujeedada ugu weyn ee kulankani yahay sidii ay xooga uu saari lahaayeen jarista geedka garanwaaga oo halis ku keeni kara nabad gelyda waxaanu xusay in Geedkani uu si baaxadleh uga baxay xaafado ka mid ah magaalada burco, isagoo intaas ku daray sidoo kalana ay tartamo ciyaareed iyo mid suugaaneed ay ka qaban doonaan magaalada burco .
Muxyadiin yuusuf oo ka mid ah hay’ada DDC oo mashruucan ka caawineysa gudida xoojinta nabadgalyada ee magaalada burco ayaa balan qaadeen iney ka caawin doonaan dhinaca amniga isla markaana ay qeyb weyn ka qaadan doonaan barnaamijkan jarista geedka garan waaga.
Qaar ka mid ah xildhibaanada golaha deegaanka iyo gudida xaafadaha magaalada burco ayaa iyaguna soo dhaweeyey waxaaney tilmaameen in hawshani ay tahay mid loo baahan yahay gacana ay ka siin doonaan cida hawsha wada
Hawlgalkan ayaa waxaa uu noqonayaa kii ugu horeeyey ee noociisa ee laga fuliyo magaalada burco gudaheeda.
SDN-Hargeysa