|

Weftiga Wasiirrada ah ku Sugan Addis Ababa oo kulamo la yeeshay Wasiirro ka socda Norway iyo Itoobiya

hargeysa, 09, 2012 (SDN)- Weftigii uu Hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar ee  dalka Itoobiyakaga qaybgalay shirkii urur gobolleedka IGAD ayaa kulamo kala duwan la yeeshay Wasiirradda Arrimaha dibadda, Gaadiidka iyo Isgaadhsiinta Itoobiya iyo Wasiirka iskaashiga caalamiga ah ee dalka Norway, kuwaasoo ay kala hadleen sidii kor loogu sii qaadi lahaa iskaashiga Somaliland la leedahay dalalkaasi.

“Kulamaddii aanu la yeelanay Wasiirrada ka tirsan dawladaha Itoobiya iyo Norway waxaanu kala hadlay xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland iyo dalalkooda,loona xoojin lahaa iskaashiyadda socda iyo kuwo cusub oo aanu doonayno in la bilaabo,”ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha dibadda oo kulamadaasi ka dib ka hadlay qodobaddii ay ka wada hadleen masuuliyiintii ay is arkeen.

Wasiirka Arrimaha dibadda oo ka hadlayay qodobadii ay isla falan-qeeyeen kulankii ay la yeesheen Wasiirka iskaashiga caalamiga ah ee Norway, waxa uu yidhi “Kulankii aanu galabta la yeelanay wasiirka iskaashiga caalamiga ah ee dalka Norway, waxa uu si gaar ah u taabanayay muwaacimadda ay siiyaan Somaliland sidii dawladda Norway u kordhin lahayd.”

Dr. Maxamed Cabdilaahi waxa kale oo uu sheegay in ay arrimaha nabad-gelyadda iyo adeegsiga marsadda Berbera ka wada hadleen Wasiirrada dawladda Itoobiya ee ay la kulmeen.

“Wada hadaladii aanu la yeelanay Wasiirrada Itoobiya waxay u badnaayeen qodobo u badan dhinaca nabad-gelyadda ee labada dal iska kaashadaan, arrimaha siyaasadda. Waxa kale oo ay Somaliland doonaysaa inay ka dhex muuqato horumarinta iyo shirarka dalalka Urur-goboleedka IGAD, waxaana labada dal ee Jabuuti iyo Itoobiya aanu kala hadalnay sidii ay Somaliland martabad wanaagsan ugu yeelan lahayd urur-goboleedkaasi oo ay waliba xubinna ka noqoto,”ayuu yidhi Wasiirka Khaarajigu.

Wasiirka oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Kulanka aanu la yeelanay Wasiirka Gaadiidka iyo Isgaadhsiinta dawladda Itoobiya waxaan kulankaasi si khaas ah aanu uga wada hadalnay sidii ay dawladda Itoobiya u isticmaali lahayd dekadda Berbera iyo sidii arrintaasi ay u meel marin lahayd waxaana soo kordhay xiisaha ay Itoobiya u qabto isticmaalka dekadda. Waxa kale oo isla soo qaadnay sidii dekadda loo horumarin lahaa, waxaanay arrintani kor u qaadaysaa dhaqaalaha Somaliland.”

Weftigan waxa xubno ka ah Wasiirrada qorshaynta qaranka iyo Daakhiliga Dr. Sacad Cali Shire iyo Md. Maxamed Nuur Caraalle (Duur).

SDN, Hargeisa

Comments are closed