|

Xukuumadda oo fara-guudkooda ku darsatay dhismaha jidadka magaalada Wajaale

Madaxtooyadda ayaa Guddida Dhismaha Wadooyinka Tog-wajaale ku wareejiyay lacag dhan $ 50,000, oo ay sheegeen in Xukuumaddu kaga qayb qaadanayso dhismaha Jidadka magaaladaas oo ay dadweynaha degmadaasi dhismahooda isku xil-qaameen. Dadweynaha Reer Tog-wajaale oo dadaal u galay jidadka magaaladaas, isla markaana Shirkadda Telesom oo ugu Deeqday $ 25,000, hadana inta ay Xukuumaddu ku darsatay maaha mid kafaynaya gacantii ay uga baahnaayeen, waxaanay ka guddoomeen Wasiiradda qadarka Lacagta ah ee kaga timi is-canaanashada markii ay arkeen sida ay dadka Reer Wajaale iskugu tashadeen ee ay u tuseen inay wax qabsan karaan maadaama Cashuurtii laga qaadayay Xukuumaddu ugu qaban weyday baahiyihii ay u bixinayeen kuwoodii ugu muhiimsanaa.

SDN, Hargeysa

Comments are closed