|

Wasiirada Arrimaha Dibada,Gudaha,iyo Qorshaynta oo Kulan la Yeeshay Deeq bixiyeyaasha Maalgeliya Ururka IGAD

Adis Abab May 08,2012(SDN)-Wasiirada Arrimaha Dibada,Gudaha,iyo Qorshaynta Qaranka ayaa Maanta ka qayb galay shir ay ku yeelanayaan Magaalada Addis ababa dalalka ku jira urur goboleedka Igad iyo qaadhaan bixiyayaasha ka taageera arrimaha horumarka.

Shirkan oo ahaa mid ay isku wajahayeen Somaliland iyo qaadhaan bixiyayaasha caalamiga ah ee maalgaliya urur goboleedka Igad ayaa waxaa ka hadlay Wasiirka Wasaarada Qorshaynta Qaranka ee Somaliland Dr Sacad Cali Shire oo amaan balaadhan u soo jeediyay guud ahaan qaadhaan bixiyayaasha adduunka ee Somaliland ka kaalmeeya mashaariicda horumarineed waxaanu sheegay in xukuumada Somaliland ay marwalba soo dhawaynayso cid kasta oo wax kala qabata baahiyaha gaarka u ah ee ay tirsanayso.

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibada ee Somaliland Dr Maxamed C.laahi Cumar isla markaana hogaaminayay weftiga ka socda Somaliland ayaa u mahadnaq u soo jeediyay mas’uuliyiintii kulankaasi ka soo qayb galay , waxa uu wasiirku ka waramay waxyaabihii u qabsoomay dawlada uu ka tirsan yahay mudadii ay hogaaminta qaranka hayeen waxa uu Wasiirka Arrimaha dibadu sheegay inay wada shaqayn dhow leeyihiin urur goboleedka igad isla markaana ay mar walba la kaashanayaan wixii khibrad iyo aragnimo ay uga baahdaan.

Xoghayaha Guud ee Urur Goboleedka Igad Maxbuub Macalin ayaa sheegay in urur ahaan ay la dhacsan yihiin guulo faro badan oo dawlada Somaliland ay ka gaadhay dhinacyada horumarka iyo maamul daadejinta waxaanu xusay in aragtida urur goboleedka igad ay tahay mid ay ku sii adkaynayaan waxyaabaha ay ummada Somaliland higsanayso.

Kulankan waxaa ka qayb qaadanayay oo kale ku dhawaad labaatan dublamaasi oo fadhigoodu yahay magaalada Addis ababa isla markaana ah kuwa maalgashada qaaradan afrika .

SDN-Adis Ababa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed