|

Ku simaha Gudoomiyaha Gobolka Maroodi jeex oo Kulan la yeeshay Guddiyada Nebedgelyada Gobolka

Hargeysa May 08,2012(SDN)-Ku simaha Gudoomiyaha Gobolka Maroodi jeex ahna Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Rashiid Axmed Maxamed ayaa Maanta xafiiskiisa kulan kula yeeshay Gudoomiyayaasha Nabadgalyada ee Shanta degmo ee caasimada Hargaysa ay ka kooban tahay.

Ku-simaha Gudoomiyaha oo uu weheliyo Xoghayaha Maamulka Gobolka Maroodi jeex ayaa tilmaamay in arrinta kulankoodani uu salka ku hayo xoojinta nabadgalyada iyo sidii ay isu baran lahaayeen mas’uuliyiinta gobol ahaan kala shaqeeya arrimaha amaanka .

Rashiid Axmed Maxamed waxa uu intaasi ku daray in gobolkaMaroodi jeex baalasha uu ku duulo ee u fududeeya hawlgaladiisa maamul ay yihiin mas’uuliyiinta degmooyinka ee u qaabilsan dhinaca nabadgalyada .

Xoghayaha maamulka ee Gobolka Maroodi jeex Xamse Ciise Cabdi ayaa sheegay in maadaama aynu ku guda jirno isu abaabulka xuska 21 guurada ka soo wareegtay la soo noqoshada madax banaanida Jamhuuriyada Somaliland loo baahan yahay sidii culays loo saari lahaa la socodka dhaqdhaqaaq kasta oo wax u dhimi kara nabadgalyada aynu ku naaloonayno.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed