Madaxweyne Siilaanyo oo Hay’adaha Caalamiga ah amray inay si gaar ah ula shaqeeyaan Wasaaradda Deegaanka
Hargeysa, 08, May 2012 (SDN)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo) ayaa toddobaadkii ina dhaafay Amar Qoraal ah u diray Hay’adaha Caalamiga ah ee ku sugan Somaliland, kuwaasoo uu ka dalbaday inay la shaqeeyaan Wasaaradda Horumarinta Reer Miyiga.
Madaxweyne Siilaanyo waxa uu qoraalkiisa ku sheegay wasaaradda Horumarinta Reer Miyigu inay Somaliland ugu fadhido macno weyn isla markaana loo baahan yahay si ay u
horumariso adeegyada ay Bulshada u hayso in ay Hay’adaha Caalamiga ahi si toos
ah ula shaqeeyaan oo ay ka caawiyaan Mashaariicda dhinaca Horumarka ee ay u
hayaan Dalka.
Lama oga sababta Madaxweyne Siilaanyo ku dhalisay Go’aankaas inuu qaato oo uu Hay’adaha Amro inay la shqeeyaan wasaaradaasi, hase yeeshee wararka Waaheen soo gaadhayaa waxa ay sheegayaan Wasaaradaasi inay cabasho ka muujisay wada shaqaynta
Hay’adaha Caalamiga ahi inay Liidato isla markaana aanay jirin mashaariic ay ku bixiyaan arrimaha Deegaanka oo ay wasaaraddu fuliso.
Sidoo kale talaabadan waxa dhalisay Mashaariic ay Hay’adaha qaarkood sida WFP oo kale
ay ku bixin jireen Qodista Ceelasha Biyaha, xidhida Moosaska si looga hortago Nabaad guurka iyo adeegyo kale oo muhiim ah in la Leexsaday oo aan wasaaradihii ku shaqada lahaa la soo marin gaar ahaana Wasaaradda Horumarinta Reer Miyiga oo ay khuseeyaan dhamaan mashaariicda Beeraha, Xoolaha, iyo Hawaduba.
inkasta oo talaabada Madaxweynuhu qaaday tahay mid muhiim ah hadana waxay iska hor
imanayaan Amaro hore oo Madaxweyne Siilaanyo bixiyay oo ay ka mid tahay samaynta Hay’add kulmisa Hay’idihiisa Samafalka sida Hay’adda Mucaawinada WFP, Samafalka Madaxtooyadda, NERAD, kuwaasoo iyana toos ula xidhiidha Hay’adaha Caalamiga ah isla markaana qaarkood u maraan Madaxweyne ku-xigeenka oo uu Madaxweynuhu hoos geeyay.
SDN, Hargeysa
Source Waaheen