Dr, Gaboose Wuu ku Qaldan yahay, waana Gef, iyo Meelkadhac, Inuu Yidhaahdo Waxa aan Ka Xumahay, Guusha Madaxweyne Siilaanyo
Dr, Gaboose oo ahaa, Gudoomiyihii Ololaha, ee Gobolada Bariga, Madaxweyne Siilaanyana uu jagadaa ku aaminey, Shaqo fiicana u soo qabtay Hanashadii Xukunka Somaliland ee axmed Siilaanyo, ayaa Sheegay inuu Ka Xun yahay Shaqadaa uu qabtay iyo guushii Madaxweyne Siilaanyo.
Dhawaaqan ayaa ah Mid Siyaasad ahaan, qaldan, Dhaqan ahaana Xun, Mabda,a ahaana Daciif ah.
Xusbiga ama jabhada, Keenta Guusha waa lagu faanaa, waana laysku xiriiriyaa oo lala bahoobaa, Sida qaar aan ahayn Urrurkii SNM, ay u Sheegtaan inay ahaayeen Urrurkii SNM. Guushu waa mid lagu dhawaado ma,aha wax laga Xumaado ama laga Carraro.
Waxa aan ku arkay Hargeysa Rag badan oo ahaa Xusbiga UDUB, Siilaanyana aad u necbaa, oo Markii uu Siilaanyo Xukunka qabsaday, si lama Filaan ah u noqday Taageerayaashii Siilaanyo oo Yidhaahda Hoosta ayaan Kulmiye ka ahaa. Markaa Guusha Cid waliba wax bay la qabsataa. Guushu way saaxiib badan tahay, Guuldaraduna way saaxiib yar tahay.
Hogaamiyuhu waa kaleh hal -adag, iyo Samir, Toban Sano ayaanu Ku mucaarad ahayn Axmed Siilaanyo anaga oo og in aan dadkan iyo dalkan Cidi u dhaamin ayaanu hadana iskaga adkaysanay Mucaaradnimadayada Gaboosane Lix Bilood ayuu ku adkaysan waayey, Meeshiisa, oo Guushii ahayd inuu ku Faano ayuu ka cararayaa oo canbaaraynayaa oo uu leeyahay waan ka Xumahay in guushaasi timaado.
Wadanku Wuu ka fiican yahay, Markii Riyaale haystey hadii ay noqoto, Dhinaca Siyaasada, Dhaqaalaha, Waxbarashada, la dagaalanka Musuqmaasaqa, Dawlad Wanaaga, iyo Xoriytul qawlka intaba, markaas Gaboose waa ku gef inuu yidhaahdo waxa aan ka Xumahay shaqadii aan la shaqeeyey Axmed Siilaanyo taas oo Xukunka Keentay Madaxweynaha.
Madaxweyne Siilaanyo waxa uu leeyahay Taageerayaal badan, waxa Siyaasad Fiican ahayd inuu Taageerayaashaas soo jiito oo Xod-xoto inta uu leeyahay waan ka Xumahay waxa ay ahayd inuu la yimaado Jacayl iyo Soo dhaweyn.
Hore ayaan Dr, Gaboose ugu sheegay in aanu Ku macaaradanin Madaxeyne Siilaanyo, ee uu qaato Figradaydii ahayd, ( Anigu hadii aan ahay Dr Gaboose la tartami maayo Aabaha Qaranka ,Axmed Siilaanyo, laakiin waxa aan aamin sanahay in marka axmed Siilaanyo Xukunka ka Dego in aan ahay Qofka ugu haboon ee jagadaa u qalma Halka Siilaanyo kaga Tagana ka qaadi kara. midan ayaa Soo jiidaan lahayd taageerayaasha Xusbiga Kulmiye, iyo Waliba Beesha Bariga Burco oo uu aad Dr, Gaboose Ugu Baahan yahay taageeradooda).
Hadii uu isleeyahay Dr, gaboose waxa aad Taageero kul helaysaa, Mucaaradada, Axmed Siilaanyo, Been ayuu isu Sheegay, Mucaaradada Siilaanyo Dr Gaboose waxa uu ku helayaa Waxyar waxaanu ku Waayayaa Waxa Badan. Maadaama uu Yahay Axmed Siilaanyo Nin leh Taageerayaal, iyo Saaxiibo badan. Mucaaradada Gaboose Kala hortagaa Axmed Siilaanyo waxa ay noqon doontaa Guuldaro u soo hoyata Dr, Gaboose.
Cabdi Qadir Jamac Ismail Dacar(independent Politician).
USA CA.
Gobanimodoon@sbcglobal.net