|

Dacwaddii Boqor Buurmadaw oo dib loo dhigay iyo qareennada iyo Xeer ilaalinta oo isku diidan eeddaha lagu soo oogay

Hargeysa, 04, May 2012 (SDN)- Maxkamadda Gobolka Hargeysa ayaa dib u dhigtay Dhagaysiga Dacwadii Boqor Cismaan Buurmadow, ka dib markii ay qareenadii difaacayay ka biyo diideen eeda ay Xeer ilaalintu u samaysay oo ay hore Maxkamadadu u dalbatay inay soo waafajiyaan Dacwadooda.

Dhagaysigii shalay markii ay Maxkamddu Furtay ayay Xeer ilaalinta Gobolku keentay eed la mid ah tii hore oo kale oo qoraal ahaan wax laga bedelay, balse Nuxur ahaan la mid ah tii hore, taasoo ay ka biyo diideen Qareenada difaacayay.

Is-mari waaga Xeer ilaalinta iyo Qareenada ee eeda iyo difaaca ayay shalay Maxkamddu aqbashay eeda xeer ilaalinta, taasoo keentay inay ka dareeraan Qareenadii, balse Garsoorihii ku adkaystay dhageysiga Dacwadaas inuu sii wadi doono wakhti aanu cayimin.

Dhagaysigan oo ahaa kii sadexaad ee Boqor Buurmadaw la horkeeno Maxkamadda ayaa ku dhamaaday in dib loo celiyo, iyadoo aan la gudagalin wajigeedii labaad.

SDN, Hargeysa

Comments are closed