|

USAID oo qalab ku wareejisay maamulka magaalada Jigjiga

Jigjiga, 04, May 2012 (SDN)- Hay’ada USAID ayaa qalab kala duwan oo isugu jira qalab xafiiseed iyo mid loogu talogalay nadaafada ku wareejisay maamulka magaalada Jigjiga.

Qalabkan oo ay hay’ada USAID soo marisay hay’adda Mercy Corps wax aka guddoomay Maayorka, isla markaana waxa uu Maayorka magaalada Jigjiga sii gudoonsiiyay laba iskaashato oo ka hawlgala bilicda magaalada Jigjiga.

Hay’ada USAID iyo Mercorps oo iskaashanaya ayaa had iyo jeer ka hawlgala mashaariicda horumarineed ee magaalada Jigjiga oo hadda u muuqata magaalo bilicdeedu kor sii kacayso.

Qalabkan ayaa isugu jiray qalab xafiiseed dhamaystiran oo lagu qalabayn doono xafiisyada iskaashatooyinka ku hawlan bilicda magaalada.

Sidoo kale waxa qalabkan ku jiray noocyo loogu talogalay nadaafada.

SDN, Jigjiga

 

Comments are closed