Maxkamad Kinyan ah oo Laba Nin oo u kala Dhashay Tunisiya iyo Belgiam ku heshay denbiyo la xidhiidhinaya Shabaabka
Mombasa May 03,2012(SDN)-Maxkamad ku taal dalka Kiinya ayaa dhegeysatay qirasho laba nin oo u kala dhashay Tunisia iyo Belgem inay xadka Soomaaliya uga si sharci daro ah uga soo guddbeen dhawaan.
Xaakim Stephen Riech ayaa maanta gelinka danbe la filayaa in uu xukun ku rido labadan nin.
Labadan nin oo la kala yidhaahdo Xasan Kafi oo u dhashay dalka Belgem iyo Maxamed Debarli oo isna u dhashay Tunisiya ayaa dafiray in ay ka tirsanaayeen kooxda Al Shabaab.
Ciidamada la dagaalama argegixisada ee dalka Kiinya ayaa labadan nin ka so qabtay magaalada xadka Soomaaliya saaran ee Lamu dhawaan.
Kooxda Al Shabaab oo haatan dagaal kula jirta ciidamada dalka Kiinya ee ku jira guddaha Soomaaliya ayaa gacan ka hela Ajaanib fara badan oo Kiinya u sii mara.
SDN-Mombasa