Guddiga Diiwaangelinta Ururada Siyaasadda oo shaaciyay natiijooyin aan waqtigoodii la joogin oo ay huursadeen
Hargeysa 03, May 2012 (Qurbejoog.com)- Guddiga Diiwaangelinta ururada Siyaasadda iyo ansixinta Axsaabta qarannka, ayaa maanta shaaciyay natiijooyinkii ay markii hore ka maageen inay soo bandhigaan.
Guddiga oo maanta shirjaraa’id ku qabtay xafiiskooda Hargeysa, waxay faahfaahin ka bixiyeen natiijooyinka ay 9-ka urur ee la reebay ka keeneen shuruudihii laga rabay ee gobollada dalka Somaliland oo dhan, waxayna mid mid u yeedhiyeen waxyaabaha ay ku hadheen.
Afhayeenka guddigaas Mr. Xasan Axmed Ducaale (Macalin) oo hadal ka jeediyay shir-saxaafadeedkaa ay qabteen, waxa uu si adag u naqdiyay mudaharaadyada ay ururada tartanka ku hadhay qaarkood ku baaqeen.
Mr. Xasan-Macalin waxa uu taxay waxyaabaha uu urur kastaa ku hadhay, wuxuuna yidhi “1. SSCD waa uu hadhay waxaanu ku hadhay isaga oo aan xafiisyo ka furan goboladda dalka marka lagareebo Maroodi-jeex iyo 1000-kii qofna wuu ku hadhay dhammaan gobolada.
2. Ururka Damal xafiisyo kamuu furan goboladda Saaxil , Togdheer iyo Sanaag 1000 kii qofna muu buuxin gobolna.
3 Ururka Nuur xafiisyo ka muu furan Saaxil iyo Sanaag 1000 qofna ee muu buuxin marka laga reebo Marood-jeex.
4-Ururka Jamhuuriga xafiisyo kamuu furan goboladda Saaxil iyo Togdheer ,1000kii qofna muu buuxin marka laga reebo Maroodi-jeex.
5-Ururka NDB xafiisyo ka muu furan goboladda Saaxil Iyo Togdheer muunabuuxin 1000kii qof goboladda Saail,Sanaag iyo Sool.
6-Ururka Horyaal xafiisyo kamuu furan goboladda Saaxil iyo Sool manuu buuxin 1000-kii qof goboladda Saaxil iyo Sanaag waxa kale uu ku hadhay 1000kii qof ee liiska ahaa .
7. Ururka UDHIS xafiisyo kamuu furan Goboladda Sanaag iyo Sool ,mana uu buuxin 1000kii qof ee madaxtaabashada ahaa goboladda Sanaag iyo Togdheer .
8-Ururka Badbaado xafiisyo kamuu furan gobolka Sool mana uu buuxin 1000-kii qof ee madax-tabashada ahaa gobolada Sool iyo Sanaag .
9- Ururka Gurmad Xafiis kamuu furan gobolka Sool, manuu buuxin 1000-kii qof ee madaxtaabashada ahaa gobolka Awdal.”
Dhinaca kale, guddoomiyaha guddigaas Mr. Cabdirisaaq Cumar Ciyaal oo isna halkaas ka hadlay, waxa uu difaacay go’aankoodii, wuxuuna saxaafadda kula eertay inay buun-buuniyeen reebista ururada, taasina dab ku sii shiday xaalada.
Guddigu waxay sheegeen in aanay xukuumaddu wax saamayn ah ku lahayn kala-reebista urur-siyaasadeedyadii isdiiwaangeliyay iyo go’aankii ay 20 April soosaareen.
Qurbejoog.com, Hargeysa
editor@somalidiasporanews.com