|

Gaalkacayo: Wariye Koox hubaysani qudha ka jareen

Gaalkacayo, 02, May 2012 (SDN)-  Kooxo hubaysan ayaa Caawa waqooyiga Magaalada Gaalkacayo ee Xarunta gobolka Mudug ee dalka Soomaliya ku dilay wariye ka mid ah idaacadda lagu magacaabo Daljir.

Alle ha u naxariistee Wariyahan oo lagu magacaabi Jiray Farxaan Jeemis Cabdalle ayaa kooxdan dablayda ahi ku dileen  Xaafada Garsoor ee Waqooyiga Magaaladda Gaalkacyo, gaar ahaan agagaarka Xarunta gobolka, wakhtigaasi oo marxuumku ku sii jeeday gurigiisa.

Wariyaha oo intii aan la dilin ka soo baxay shaqada idaacada ayaa Kooxihii falkaasi dilka ah geystay ay markiiba iskaga baxsadeen goobtii dilku ka dhacay, iyadda oo la sheegay in maydka Marxuumku uu muddo goobta yaalay inkasta oo markii dambe la qaaday.

Alla ha u naxariistee Wariye Farxaan Jeemis waxa uu ka tirsanaa qaybta wararka ee Radio Daljir, waxaana uu ka mid ahaa wariayaasha aadka loo jeclaa ee ka howlgala Magaaladaasi inkasta oo caawa gacan ka gardarani dishay.

Dilka Wariyahan ayaa ku soo beegmaya xili Magaaladda Gaalkacayo maanta lagu qabtay Munaasibad loogu diyaar-garoobayey xuska Maalinta Madax-banaanida saxaafada oo bari ku began.

INAA LILAAHI WA INAA ILAYHI RAAJUCUUN

SDN

 

Comments are closed