|

Qaaahira: Khasaare culus oo ka dhashay weerar lagu qaaday dad u Mudaharaadayay Murashaxiin tartanka Madaxtinimada laga xanibay

Qaahira 02, May 2012 (Qurbejoog.com/CSM)- Ugu yaraan 11 qof ayaa ku dhintay, inka badan 160 kalena way ku dhaawacmeen meel u dhow wasaaradda Difaaca dalka Masar, ka dib markii rag hubaysani weerareen dad dibad-baxayaal ah.

Siday ku warantay barta Internet-ka ee CSM, dadkan la weeraray oo ku sugnaa meel u dhow dhismaha wasaaradda Gaashaandhiga Masar ee caasimadda Qaahira, waxay dalbanayeen in la soo gunaanado xukunka Milateriga, kaasoo ay soo abaabuleen laba ka mid ah Murashaxiinta Islaamiyiinta ah oo laga xanibay ololahoodii tartanka Madaxtinimada dalkaas.

CSM waxay sheegtay in dambiileyaal aan la aqoonsanayn oo ku hubaysan goryo ay weerareen mudaharaadayaashaas oo ay ku jireen boqolaal ka mid ah kooxda islaamiyiinta ah Salafi oo u dibad-baxayayay xanibaada murashaxiintoodii laga saaray codbixinta Madaxtinimada ee lagu wado inay bishan qabsoonto, siday faafisay wakaalada wararka ee MENA.

Goobaha caafimaadku waxay sheegeen in tirada dhimashada weerarkaasi marayso 11 qof iyo dhaawaca inka badan 160 kale, wuxuuna weerarkaasi ka dhacay barxada dhismaha wasaaradda Difaaca Masar eek u taala badhtamaha Qaahira, gaar ahaan degmada Abbasiya.

Qurbejoog.com, Qaahira

Comments are closed