Afgaanistaan: Madaxweyne Barack Obama oo qaraxyo lagu soo dhaweeyay
Kabul 02, May 2012 (Qurbejoog.com)- Ugu yaraan 8 qof ayaa ku dhintay dhawr qarax oo Arbacada maanta ka dhacay caasimadda Afgaanistaan ee Kabul, waxyar uun ka dib markii uu Madaxweynaha Maraykanku booqasho ku tegay dalkaas.
Sida uu xaqiijiyay afhayeen u hadlay wasaaradda Khaarajiga Afghanistan, qaraxyadaas midkood waxa uu saaka ka dhacay meel u dhow jidka muhiimka ah ee magaalada Jalalabad, kaasoo ay ku dhinteen shan qof oo baabuur shicib ah saarnaa iyo askari waardiye ka ahaa dhisme goobtaas ka ag dhawaa.
Saraakiisha Boolisku waxay sheegeen in qaraxaas lala bartilmaameedsanayay dhisme ay dad reer Galbeed u badani galaan oo magaaladaas ku yaala, iyadoo meel aan ka fogayn goobta qaraxu ka dhacayna ay ku yaalaan dhawr saldhig oo fadhiisimo u ah ciidamada NATO ee ku sugan dalkaas.
Dhinaca kale, kooxda Taalibaan ayaa sheegatay masuuliyada qaraxaas oo ay sheegeen in baabuur loo adeegsaday.
Daliban waxay sheegtay in qaraxyadaasi yihiin kuwo loola jeedo Madaxweyne Barack Obama oo maanta booqasho aan la sii shaacin ku tegay dalka Afgaaanistaan, sannad uun ka dib markii la dilay hoggaamiyihii ururka Al-Qaacida Osama Bin Laden oo horaantii May 2011 lagu khaarajiyay dhisme uu ku jiray oo ku yaala magaalada Abbottabad oo u dhow caasimadda dalka Pakistan/
Kooxda Daliban waxay ku hanjabtay inay sii wadayaan dagaalka ka dhanka ah reer Galbeedka tan iyo inta ciidamada isbahaysiga NATO ka baxayaan dhulka Afghanistan.
Qurbejoog.com, Kabul