|

Hayad Hore Ma Ka Soo Shaqaysay, Caqabad Dhalinyarada Ka Haysata Helista Shaqooyinka? Qalinkii : C/fataah Sh.nuux Jaamac ( Suldaanka)

Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed siilaanyo oo muddo

laba sanadooda xilka talada dalka haysay, ayaa ku guuladaraysatay inay jihayso boqolaal arday

oo sanadkasta ka qalin jabiya Jaamacadaha dalka, kuwaas oo bilaa Camal awgeed u yuurura

suuqyada iyo goobaha laga cabo shaaha, halkaas oo lagu arko dhalinyaro badan oo subax kasta

ku ururasan goobaha Joornaalada lagu iibiyo ee badhtamaha suuqa Hargeysa iyo suuqyada kale

ee gobolada.

Ardaydaas oo intooda badani ay yihiin Ardaydii Jaamacadaha ka qalin jabiyay oo markii

shaqooyin ay waayeen ay dantu baday in qaar badan oo ka mid ah ay dalka ka Suudaalaan

(Tahriibaan), iyagoo qaar badan oo ka mid ahina ay badaha shisheeye ku naf waayeen in badan

oo ka mid ahina ay hada hayaan tubtii kuwii ka horeeyay ay qaadeen.

Sidoo kale qaar ka mid ah dhalinyaradaasi oo iyagu awood dhaqaale oo ay ku Tahriibaan waayay

ayaa ay bilaa Camal ku yihiin dalka gudihiisa kuwaasi oo marka aad aragto aad Is odhanayso

malaha waali ayay inyar u jiraan, halka qaar kalana ay shaqo la’aantu ka dhigtay sidii wax

waalan oo aad arkayso iyagoo si hoos hoos ah isula hadlaya, hadaba iyada oo ay jirto camal

la’aantaasi ayaa boqolaal dhalinyaro ahi doorkasta ka qalin jabiyaan Jaamacadaha dalka oo

ay waliba sii kordhayaan maalinba maalinta ka danbaysa tirada Jaamiciyiinta bilaa Camalka ku

ah dalka gudhiisa, kuwaas oo marka aad la sheekaysato ay kuu soo qadimayaan waayahooda

Shaqo la’aaneed ee ku gedaaman iyo rajo la’aanta ay ka muujiyaan in Mustaqbalkoodu mar uun

is bedelo oo dalkooda ay ku badhaadhaan iyaga oo aan dibad u bixin.

Hadaba dhalinyartan shaqo la’aantu haysato ayaa ku doodaya inaanay jirin meel ay u shaqo

tagaan iyada oo wadanka ay joogaan boqolaal hayadood oo ajaanib ahi kuwaasi oo sheegta inay

ka shaqeeyaan arimaha bini-aadanimada( Humanitarian) iyo hayada kale oo badan oo ah kuwa

qaramada midoobay hoos taga kuwaasi oo buux dhaafiyay guud ahaan Somaliland,goobkastana

aad ku arkayso boodh ka taagan iyo hayad cusub oo aan hore magaceeda loo maqlin, kuwaasi

oo aan haba yaraatee aan wax shaqaale ah ka qaadan wadanka gudihiisa, balse shaqaalahooda

 

oo ajaanib ah ka soo qorta wadamada Kenya iyo dalalka jaarkooda ah taasi oo ay ugu danbayay

ninkii kinyaati ahaa ee dhaqan xumada wadanka looga saaray oo ku shaqaynayay bishii $18000

dollar , hadaba dhalinyarada ayaa ku andacoonaya in maalinkasta la soo xayaysiiyo shaqooyin

yar -yar oo kooban kuwaasi oo looga dhigayo in shaqada si cadaalad ah loo qaadanayo tusaale

ahaan , shaqo kasta oo la soo xayaysiiyo waxaa ay ku xareeyaan 800 dhalinyaro ah iyo in ka

badan iyadoo loo baahan yahay hal boos oo kaliya (1 Possiton), taasi oo ay ku qamaamaan

dhalinyaradaasi si ay inuun rajo uga dhigtaan, balse ayaan darada jirtaa waxay tahay marka

booskii kaliyaata ee ay ku qamaameena loo qoondeeyo qof uu nin madax ahi keenay ama qofkii

loo qaadan lahaaba uu sii joogo booska taasi oo ay hayadu mariso habkeeda ( system-keeda

) shaqo, si ay hadhaw ugu doodo inay soo xayaysiisay booskaasi, taasi oo iyaduna ah niyad

jab kale oo tagoogaha ka jabiyay dhalinyaro badan, kuna kalifay inay hadh cad ka hayaamaan

wadankoodii oo rag kale ka xoogsanayo.

hadaba wasaaraha arimaha bulshada iyo qoyska ayaa iyaduna aan noqon wasaarad doorkeeda ka

ciyaarta dhibaatooyinkaa ay dhalinyarada ka cabanayaan, taasi oo inta badan ka mashquushay

hawlihii loo igmaday, inkasta oo ay mar ku dhawaaqeen in dadka ka shaqeeyaha hayadaha ee

ajaanibka ahi ay wadanka ka baxaan hadana dhag jalaq umay siin hayadahaasi waxaanay u

arkayeen hadal la iska yidhi oo bilaa ficila, si kastaba ha ahaato ee Xukuumada Madaxweyne

Siilaanyo ayaan samaynin qorshe ay ku hawlgalinayso Jaamiciyiinta tiro dhaafay ee wehelka u

noqday shaqo la’aanta, iyadoo ay jiraan qoysas ay shan walaalo ah oo Jaamiciyiin ahi ay guri

qudha ka soo wada toosaan iyagoo bilaa Camal ah, taas oo aakhirka ay ka dhalan karto kacdoono

ka dhasha shaqo la’aanta. Hadii Xukuumadu aanay siyaasad cad ka yeelan hawlgalinta iyo

jihaynta ardayda bilaa camalka ah ee shaqo la’aantu daashatay sidoo kalena aanay la xisaabtamin

hayadahan caalamiga isku sheegaya ee shaqooyinkii ay muwaadiniintu qaban lahaayeen ku

taxay dadka ajaanibka ah taasi oo maalinkasta shaqo yar oo uu qaban karo arday jaamiciyi sida ,

Admin assistance, finance assistance, logistic assisantance, project mgh assistance, hrm

assistance iyo shaqooyin la hal maala oo ay ka adag yihiin dhalinayrada bilaa camalka ahi. Ayaa

hadana Maalin kasta laga soo dajiyo Airport hargaysa dad ajaanib ah taasi oo marka ay wadanka

soo galayaan lagu sheego inay yihiin la taliyayaal( Consultants ) balse ayaamo yar ka dib

markay wadanka soo cago dhigaan loo dhiibo shaqooyinkaa hoos hoose, taasi oo adhax jab iyo

uqaadan waa ku noqotay dhalinyarada kuna kaliftay inay ka tashadaan oo ay u shaqo tagaan

nafahooda si ay masiirkooda dhalinyaro u hagaajistaan, si kastaba ha ahaato ee caqabadan

hayadaha dalka jooga ee ajaanibku buux dhaafiyay ayaa ah hal-xidhaale aan la furfuri karayn

kaasi oo laq-matul xashar ku noqday dhalinyarada iyo xukuumadaba, dawadeena aan hore loo

heli karin, balse dadka falanqeeya arrimaha bulshada ayaa eedoo dhan dusha ka saaray inaan lala

xisaaabtamayn hayadahasi , shaqsigii la xisaabtan is yidhaahdana ay boqolaal kun oo dollar ay

afka ka soo galiyaan kuwaasi oo u sheega inaanu arimahadooda soo fara galin, guntii,

gabagabadii iyo gunaanadkii waxaan u soo jeedin lahaa in arimahaasi hadii aan wax laga qaban

la arki doono Somaliland oo dhalinyarada jaamiciintu ka hayaameen iyadoo mustaqbalka

wadankuna uu noqon doono mid bilaa horumara dhalinyarada awgeed.

C/fataah Sh.Nuux Jaamac ( Suldaanka)

Email:Samriye99@hotmail.com

Mobile: 4474468

Social Activist

Comments are closed