Daahir Rayaale iyo Cawil oo shil galay iyagoo sheekaysanaya
Hargeysa 01, May 2012 (Qurbejoog.com)- Madaxweynihii Hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin iyo Wasiirkiisii Maaliyadda Xuseen Cali Ducaale oo watay gaadhi yar oo nooca Raaxada ah ayaa iyagoo sheekaysanaya oo maraya Jidka Togdheer jiidheen baabuur ay leeyihiin Ciidanka Booliisku.Inkasta oo uu shilku ahaa mid inta badan Baabuurta Hargeysi gasho saacadaha ay jidadka magaaladdu yihiin kuwo buuxa hadana, waxa dadweynihii wada marayay soo jiidatay Shilka uu galay Madaxweynihii hore iyo wasiirkiisii Maaliyaddu maadaama ay dhif ahayn wakhtigii ay xilka hayeen iyo intay dalka ku soo laabteenba Atagtidoodu, iska daa gaadhi ay wataan oo ay arkaane.Xusuustoodu waxay dib u wada jaleecday wakhti xiloodkoodii oo ay baabuur dheeraysa oo Ciidan Dab xoogan wataa ilaalayn jireen, kuwaasoo il-bidhiqsi kaga gudbi jiray masaafad dheer, hase yeeshee shilkani waxa uu tilmaan gaar ah ku lahaa iyagoo Askarigii gaadhiga Booliiska ah watay ee maalmo aan ka ag-dhawaan jirini uu is hortaagay oo uu u qabsaday duqada ay ku dhoofteen, iyadoo muran iyo dood dheer ka dib uu furdaamiyay kiiskoodii sarkaal Booliiska ah oo la doonay markii ay arrintu cuslaatay.Wallow ay dhacdada caynkan ahi tahay mid maalin walba la arko oo ay dirawaliintu galaan marka ay Jaleecaan dhinacooda iyagoo hadana Biriiga iyo Leewarka kolba ku xadaya Jidka ayay hadana tani reebtay Mahadho, waxaanay dadkii Goob jooga ka ahaa shilkaasi Waaheen u sheegeen labada oday markii ay shilka galayeen in ay farta ku fiiqayeen wax aanay markii hore arki jirin ama waayihii ay siyaasadda shoofeerada ka ahaayeen aan u muuqan jirin.Shilka markii ay galayeen waxa gaadhiga waday Daahir Rayaale Kaahin balse markii ay goobta ka dhaqaaqeen waxa la sheegay inay Dirawal dalbadeen si aanay shil danbe u galin, hase yeeshee waxay arrintani tusaale fiican u tahay madaxda imika talada haysa ee aan arkayn jid xumada Caasimada iyo khatarta ay leedahay inay ku cibaaro qaataan oo ay dalka u dhisaan wadooyin ka tayo iyo baaxadba weyn kuwa imika ay ku maraan baabuurta raaxada ee ay xawliga ku maraan.
Xigasho: Waaheen