|

Xoghayaha Guud ee QM oo booqasho Taariikhi ah ku tegay Burma

Rangoon April 30,2012(SDN)-Xoghayaha guud ee Qaramada midoobay Ban ki-moon ayaa maanta kulan la yeeshay  madaxweynaha dalka Barma,waxaana socdaalka xoghayaha guud ee Qaramada midoobay  lagu tilmaamay  inuu astaan u yahay sida Beesha caalamku ay u taageersan tahay maamulka cusub ee ka taliya dalkaasi Barma, kaasi oo isbedelo  badan ku sameeyey  muddo sanad Gudihiis ah.

Sida ay sheegtay wakaalada wararka ee france press, madaxweynaha Barma  waxa uu u kulankaasi intii uu socday  uu u sheegay  Xoghayaha guud Guud  ee qaramada midoobay inuu jecel yahay , inuu aad loogu soo dhoweynayo  magaca dadka  reer Barma.

Xoghayaha guud ee qaramada Midoobay Ban ki-moon Waxa uu maanta  khudbad ka jeedin doonaa Golaha Baarlamaanka dalka Barma, isaga oo  Xoghayaha Guud  noqonaya  Masuulkii ajnebi ah ee ugu horeeyay  ee hadal ka jeediyey Baarlamaanka wadanka Barma. Waxaana  xoghayaha  Guud  uu maalmo ka hor sheegay in dalka barma uu talaabooyin wanaagsan qaaday mudadan  ksala guurka ah.

 

 SDN-Rangoon

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed