|

Sucudiga:Waa Iran dalka Tababarka Ciidan siisa Qoxootiga Soomaalida ee Yemen

Riyadh April 26,2012(SDN)-Dawladaha dalalka Sucuudiga iyoIran ayaa saxaafada isu marinayay maalmihii u danbeeyay in midba ka kale uu taageero militry siiyo meliishaadka ku dagaalamaya dalka Yemen.

Iran ayaa dhawaan shaacisay in Sucuudigu uu tababr ciidan siiyay 1300 oo ka mid ah Qaxootiga Soomaalida ee dalka Yemen.

Jariirada FNA oo ay leeyihiin ciidamada dalka Iran oo xogtan daabacday ayaa sheegtay in Sucuudiga oo gacan ka helaya Mareykanka ay Soomaalida u isticmaalayaan in ay la dagaalamaan Shiicada dalkaas ee ka soo Horjeeda dawlada Yemen.

Halka dawlada Sucuudigu ay dhankeeda ku eedeysay Iran in ay gacan siiso xagjiriinta Al Qaacida ee ka dagaalama gobolka Ebyan ee dalka Yemen.

Jariirada Al-S oo ka soo baxda magaalada Riyadh ee dalka Sucuudiga ayaa dhankeeda daabacday in dawlada Iran oo qaseysa Gacanka ay xagjiriinta gacan siiso.

Jariirada ayaa soo xigatay xeeldheere la yidhaahdo  Cali Al Twati ayaa sheegay in Soomaalida ay ka garab dagaalamaan Meliishaadka Shiicada ah ee Xuutiyiinta.

Xeeldheeraha ayaa sheegay in Meeliishaadka Xutiyiinta Yemen ay saanad iyo Aduunba ka helaan dalka Iran.

Dawlada Yemen ayaa tiraba dhawr jeer sheegtay in ay qabqabteen Soomaali u dagaal tagtay dalkaasi.

Yemen ayaa waxa ku sugaan Boqolaal kun oo Soomaali ah oo dalkaa Qoxooti ahaan ku jooga.

SDN-Riyaadh

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed