Mashiinka Sifeeya Kelyaha oo shaqadiisii ka bilaabay Cusbitaalka Hargeysa
Hargeysa April 25,2012(SDN)-Waxaa Maanta si rasmi ah loo hawl galiyay Mishiinkii dhinaca kelyaha isla markaana loo adeegsaday wax u qabashada Bukaankii u horeeyay oo ah muwaadin u dhashay Somaliland .
Arrintan oo ahayd mid baahi weyn loo qabay ,gaar ahaan dadka dhibaatadu kala soo deristo dhinaca Kelyaha oo dalka dibadiisa hore loo gayn doono .
Dr Axmed Cali Askar iyo Dr C.raxmaan Heeliyo oo saxaafada u waramay ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay sida uu ilaahay ugu fududeeyay bukaanadii ugu badnaa ee wax ka qabashada xanuunada kalyuhu la soo darseen isla markaana ay ka hawl galaan Dhakhaatiir aqoon sare u leh wax ka qabashada dhinaca kelyaha oo Wasaarada Caafimaadku ay dadaal badan u gashay.
Labadan dhakhtar waxay intaas ku dareen in barnaamijyada u qorshaysan cisbitaalka guud ee caasimadu uu yahay sidii adeeg caafimaad oo lacag la’aan ah loogu fidin lahaa hooyooyinka uurka leh ee ku guda jira marxaladii foosha.
Qaar ka mid ah Dhakhaatiirta Caalamiga ah ee ka hawl galaya Cisbitaalka Guud ee Magaalada Hargaysa ayaa Saxaafada u sheegay in talaabadani ay u fududayn doonto inay dalka Somaliland ugaga shaqeeyaan qaliinada sare ee laga fulinayo cisbitaalka caasimada isla markaana hawlaha uu bulshada u hayo kaas oo soo celinaya sida ay cadeeyeen kalsoonidii iyo iskaashigii dawlada iyo shacabka Somaliland.
SDN-Hargeysa