Masuuliyiinta Gobolka Maroodijeex oo la kulmay tiro Madaxdhaqameeda
Hargeysa April 25,2012(SDN)-Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Maroodi Jeex ahna ku simaha Gudoomiyaha Gobolka Rashiid Axmed Maxamed Ayaa maanta cuqaasha Gobolka maroodi jeex shir kula yeeshay xarunta wasaarada arimaha gudaha.
Sida ay sheegtay Wakaalada Wararka Solna ,Ku simaha Gudoomiyaha ahna Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Maroodi Jeex,Rashiid Axmed Maxamed waxa uu cuqaasha kala hadlay sidii lo xoojin lahaa nabadgelyada Guud ee dalka, loogana hortegi lahaa wax kasta oo wax-yeelo u keeni kara nabad-gelyada iyo deganaanshaha dalka.
Rashiid Axmed Maxamed waxa kale oo uu xusay in cuqaashu ay yihiin xadhigii isu hayay ee xidhiidhiya Dawladda iyo umada ku nool gobolka Maroodi jeex, waxa uu tilmaamay Gudoomiye ku xigeenku in Madaxda dhaqanka xil ka saaran yahay wax kasta oo saamayn ku yeelan kara nabadgalyada iyo degenaanshaha dalka.
Gudoomiye xigeenka gobolka maroodi-jeex waxa uu tilmaamay in ay nabad-gelyada iyo Qiimaha ay u leedahay nolosha mujtamaceena, isagoo intaas ku daray in nimco waliba ay leedahay xasad iyo nusqaan, waxaana inagu waajib ah ayuu yidhi inaynu nimcadaas ilaashano oo xejisano,ilaahayna ugu shugri naqno.
Mud, Rashiid Axmed Maxamed Waxa uu hoosta ka xariiqay in qaranimada aynu hadhsanayno ay ku timid dhiiga halyeeyo u shahiiday xornimada wadankooda isla markaana uu waajib inaga saaran yahay ilaalinta xoriyada qaranimada Somaliland .
Waxa kale oo iyana halkaasi ka hadlay Xubno ka mid ah cuqaasha iyo Xoghayaha fulinta Maamulka Gobolka maroodi-jeex Xamse ciise cabdi, kuwaasi oo ka waramay qiimaha nabadgelyadu leedahay , waxaanay sheegeen inay doorkooda ka qaadanayaan xoojinta iyo ilaalinta nabad gelyada, cidii waxyeelaysana ay ka hor tagi doonaan.
SDN-Hargeysa