|

Wasiir Ku-Xigeenka Caafimaadka Somaliland oo ka qeyb gashay xuska Maalinta Duumada

Hargeysa April 25,2012(SDN)-Wasiirka Ku xigeenka Wasaarada Caafimaadka Marwo Nimco Xuseen Qawdhan ayaa maanta ka qayb gashay Xuska Maalinta Duumada Aduunka,Taas oo maanta laga Xusay Gobolada dalka.

Munaasibadan oo ahayd mid si weyn loo soo Agaasimay waxaa ka qayb galay,Masuuliyiin ka socotay Wasaarada Caafimaadka iyo Hay’adaha La shaqeeya sida UNICEF,WHO iyo Marti sharaf kale oo badan.

Ugu horeyn waxa halkaasi ka hadlay Dr. Cabdi Cabdilaahi, oo ah Madaxa Mashruuca Duumada ee wasaarada Caafimaadka isagoo ka warbixiyay Xaalada Duumada iyo halka ay dalka ka marayso isagoo intaasi raaciyay in Siyaasada wasaarada Caafimaadku ay tahay sidii loo cidhib tiri lahaa duumada iyo Cudurada Faafa.

Dr.Amare oo isna ka socday Unicef ayaa ka waramay wada shaqeynta ka dhexeysa iyaga iyo Wasaarada Caafimaadka gaar ahaan la dagaalanka Cudurka Duumada iyo Faafisteeda.

Ugu Dambeyntii waxaa  halkaasi ka hadashay wasiir ku xigeenka wasaarada Caafimaadka Marwo, Nimco Xuseen Qawdhan, waxaanay u Mahadnaqday cid kasta oo Munaasibadan soo qabanqaabisay,Wasiir ku xigeenku waxay tilmaaantay in Cudurka Duumadu uu ka mid yahay cudurada galaaftay nolosha dad aad u badan iyadoo Bulshada kula dardaarantay In marka ay dareemaan astaamaha cudurkan ay sida ugu suurto galsan ula xidhiidhaan dhakhaatiirta.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed